Washington(SONNA):-Maraykanka ayaa aad uga walaacsan talaabadii uu talaadadii Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben-Gvi ku tagay dhismaha Masjidka Al-Aqsa isagoo sheegay in ay xiisad kicin karto. “Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay ficil kasta oo hal dhinac ah oo awood u leh inay sii xumeeyaan xiisadda si sax ah sababtoo ah waxaan rabnaa inaan aragno taas caksigeeda,” afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Ned Price ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.
“Waxaan ku baaqaynaa in xiisadaha la dhimo,Waxaan rabnaa inaan aragno xiisadaha oo sii yaraanaya,โ ayuu yidhi. “Mareykanku wuxuu si adag ugu taagan yahay ilaalinta xaaladda taariikhiga ah ee ku saabsan goobaha barakeysan ayuu yiri afhayeen Ned Price.
Israa’iil ayaa qabsatay bariga Quddus intii uu socday dagaalkii dhex maray Israel iyo Carabta sanaddihii 1967 ilaa 1980 oo ay ugu dambayn si weyn isugu fidisay magaaladda Qudus.