Rome-(SONNA)-Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta oo Arbaco ah kula kulmay Caasimadda Rome, Dhiggiisa Talyaaniga, Mudane Edmondo Cirielli, isagoo kala hadlay xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo dhinac waliba.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhaqaale, ganacsi , siyaasad iyo hurmarada amniga ee Soomaaliya iyo dib-u-habaynta hey’adaha, sidoo kale waxaa fadhigaasi lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale ee muhiimadda gaarka ah u lahayd labada dhinac.