Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Ayuub Ismaaciil: “ Israa’iil waxay u rogaysaa marinnadii ganacsi, goobo ay colaaddo ka jiraan, waana diidnay taas.”
    January 28, 2026
    Wasaaradda waxbarashadda XFS ayaa Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Siyaasadaha Macaahidda Shareecada Islaamka
    January 28, 2026
    Xubin ka tirsan Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug
    January 28, 2026
    Wasiirka maaliyadda XFS oo shirguddoomiyey kulanka 23-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir
    January 28, 2026
    Wasaaradda Gadiidka oo qabatay kulan looga tashanayo sidii kor loogu qaadi lahaa Adeegyadda wasaaraddau u qabato Qaranka
    January 28, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe (warbixin)
GudahaMaqaallada

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe (warbixin)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
5 Min Read
Share

Waxaa nasiib darraa in muddo afar sano ah oo ka soo wareegatay qaraxii Soobbe ee galaaftay in ku dhow dad gaaraya kun iyo shan boqol oo ruux, in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana doonaya in ay wiiqaan midaamka dowladdnimo iyo dadaalada kale ee loogu jiro horumarinta adeegyada bulshada iyo soo celinta amniga dalka.

Marka loo eego,horumarka baahsan ee uu gaaray dalka iyo mustaqbalka wanaagsan ee u ifaya dadka,ka sokoow,waxaa muuqda kooxo baal maray nidaamka suuban oo ka been-sheegay diinta, diidanna hannaanka dowladnimo ee dalka,kuwaas oo sida cad faraha la galay dagaallo ay ku hoobteen shacab aad u fara badan oo birimageydo ah.

Xuska 14-ka Oktoobar waa maalin murugo oo loo sameeyo qeybinii bulshada ee naftooda iyo hantidooda ku waayey qaraxii Soobbe oo shan sano ka hor ka dhacy Magaalada Muqdisho,kaas oo reebay xasuus lama iloowaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Dhacdadaan oo laheyd naxdin iyo amakaag,ayaa sababtay in maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo  iyo burbur hanti ay soo gaarto dad kau dhow kun iyo shan boqol oo -ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isoyska Soobe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 oo qof,halka la waayey ,dad gaaraya 54- oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Qaraxaasi foosha xun ee ay ka dambeeyeen kooxaha nabad-diidka ee adeegsada fikirka gurracan, Waxaa marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee soo gaaray dadka, ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal.

Jawaabo wax ku ool ah oo ay bixiyeen dadka Soomaaliyeed,ayaa dhaliyay in si  degdeg ah loogu gurmado ehelada qeybihii bulshada ee la kulamay dhibaatooyinka qaraxaasi,waxaana tallaabadaasi lagu tilmaamay mid muujineysa damiirka iyo dhaqanka suuban ee ay leeyihiin dadka Soomaalida.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta  u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Haddaba,waxaa manta Magaalada Muqdisho ka dhacay xuska maalinta 14-ka Oktoobar oo ah xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku sugnaa meherado ganacsi iyo kuwo kale oo socoto ah oo marayey agagaarka isgoyska Soobbe.

Inkastoo qaraxyadu ay yihiin kuwo aan joojineyn ama aan wax u dhimeyn horumarada socda,haddana,waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dalka.

Sida cad,wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacabba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha  dalka .

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dasgaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab,waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amnga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta  oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Ayuub Ismaaciil: “ Israa’iil waxay u rogaysaa marinnadii ganacsi, goobo ay colaaddo ka jiraan, waana diidnay taas.”

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil; “ Israa’iil waxay u rogaysaa marinnadii ganacsi, goobo…

January 28, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

R/ Wasaaraha XFS oo la kulmay xubno haween ah oo ka socday ururada bulshada

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed…

GudahaWararka
October 31, 2025

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo Madaxtooyadda ku qaabilay Gabdhaha Agoonta ah ee Iskuulka Boondheere “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxtooyadda ku qaabilay Gabdhaha Agoonta…

GudahaWararka
December 29, 2022

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗮𝗺𝗿𝗮𝘆 𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗶𝗻 𝗮𝘆 𝗹𝗮 𝘅𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗮𝗮𝗱𝗶𝗿𝗶𝗻 𝗴𝗼𝗼𝗯𝗮𝗵𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗮𝗱𝗮

Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan muhiim ah maanta la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee…

GudahaWararka
December 24, 2022

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka oo cambaareeyay damaca Itoobiya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyihii hore ee Gollaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.…

GudahaWararka
January 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023