Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Kulanka Iskaashiga Deeq-bixiyeyaasha ee Dib-u-habaynta Nidaamka Garsoorka Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi
    September 4, 2025
    Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Gaalkacyo ku qabtay tababarka Shaqaalaha Diiwaangelinta
    September 4, 2025
    SODMA oo qabatay Wajiga Afraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada
    September 4, 2025
    Wasiirka Arrimaha guddaha XFS oo Muqdisho ku soo laabtay
    September 4, 2025
    Ciidanka xoogga dalka oo howlgal guuleystay ka fuliyay Shabeellada hoose
    September 4, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo ka qeybgalay shir weynaha Shaqada Jaamacadda Carabta “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo ka qeybgalay shir weynaha Shaqada Jaamacadda Carabta “SAWIRRO”
GudahaWararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo ka qeybgalay shir weynaha Shaqada Jaamacadda Carabta “SAWIRRO”

By Agaasimaha SONNA
Last updated: September 5, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho…SONNA…Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalay furitaanka shir-weynaha Shaqada ee waddamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar.

Shirka ayaa muddada uu socdo looga hadlayaa arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha,iyadoo diiradda la saarayo caqabadaha iyo horumarrada. Waxaa ka qeybgalaya dhammaan wasiirrada Shaqada ee waddamada Carabta.

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi oo hadal la xiriirray shirka hab muuqaal ah ku soo gudbiyay, wuxuu ku tilmaamay shir weynaha inuu muhiimad u leeyahay muwaadiniinta Jaamacadda Carabta, isagoo hoosta ka xariiqay iskaashiga waddamada inay wax u tiri karto dadaallada lagu dhimayo shaqo la’aan.

Axmed Abul Gheit,Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Wasiirka Shaqada Masar,Maxamed Maxamuud Saafan iyo Agaasimaha Guud ee ururka Shaqaalaha Jaamacadda Carabta, Fayez Ali Al-Mutairi oo furitaanka shirka hadlay ayaa si isku mid ah u sheegay shirka in laga doonayo in lagu gaaro xal wada jir ah oo lagu dhimayo caqabadaha shaqo ee ka jira dalalka Carabta.

Docda kale, inta uu shirka socday wuxuu wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen kulan dooceedyo la yeeshay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta,Agaasimaha ururka Shaqaalaha Jaamacadda Carabta iyo wasiirrada dhiggiisa ah ee ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada dalalka, Masar, Qatar, Sacuudiga, Iraaq , Kuweit, Suudaan,Jordan iyo Marooko,iyadoo laga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga wax wada qabsi, horumarinta Shaqaalaha,barnaamijyada taageerraya shaqo abuurka,xirfadaha iyo maalgashiga.

Wasiirrada waddamada Qatar, Sacuudiga,Ciraaq iyo Kuweit ayaa casuumad rasmi ah u fidiyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, si dalalka ay uga taageeraan Soomaaliya mashaariicda shaqo abuur, tababarrada, xirfadaha muhiimka ah ee shaqada, taas wax ka tari karta amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Gabagabadii, wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo sheegay muddada uu socdo shirka inuu kullamo kale la qaadanayo qaar ka mid ah wasiirrada iyo ururrada shirka ka qeybgalaya, ururka Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carbeed uga mahadceliyay taageerrada ay Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed ku siinayaan dib u dhiska iyo horumarinta Dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Kulanka Iskaashiga Deeq-bixiyeyaasha ee Dib-u-habaynta Nidaamka Garsoorka Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi

Nairobi(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Mudane Xasan macallin Maxamuud, ayaa magaalada Nairobi…

September 4, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Beyle “hantida dawladda si qaldan doorashada looguma isticmaali doono”

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka maaliyadda xukuumadda FS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo marti ku ahaa barnaamijka dood furan ee SNTV ayaa…

GudahaWararka
December 25, 2020

Dowladaha Soomaaliya & Sucuudiga oo ka wada hadlay horumarinta Garoomada iyo Jidadka

Muqdisho (SONNA):-  Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan iyo wafdi ay hogaaminaysa ayaa magaalada Riyadh ee…

CaalamkaGudahaWararka
January 22, 2024

DFS oo soo dhowaysay tiradii ugu badneyd ee Khawaarijta iska soo dhiibtay

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Khawaarijta ee isku soo dhiibaya dowladda…

GudahaWararka
April 27, 2024

Suldaanka Cummaan oo waraaqihiisa Aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya ee Cummaan Cabdiwali Jeylaani +Sawirro

Muscat- (SONNA) Suldaanka cusub ee Saldanada Cummaan Haytham Bin Daariq. ayaa aqalka loo arrimiyo dalka cummaan ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyada…

Wararka
March 14, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023