Addis ababa-(SONNA)-Waxaa dib u howl-gashay wadda isku xirta dalalka Jabuti iyo Itoobiya oo muhiim u ah xiriirka ganacsi ee labada dal, ka dib dagaallo iyo rabshado halkaasi ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in lasoo celiyay adeegyadii gaadiidka dad weynaha iyo kuwa xamuulka ee waddada isticmaalayay, kadib markii lagu guuleystay wada hadallo ay la yeesheen maamullada Soomaalida iyo Cafar.
Dhabbaha Tareenka iyo waddada kale ee gaadiidka xamuulka labada dal ayaa xirnaa maalmihii aynu soo dhaafnay, markii ay halkaasi ka dhaceen dagaallo u dhexeeya Soomaalida iyo Cafarta oo ay dad badani ku dhinteen.
Dowladda aan badda lahayn ee Itoobiya ayaa ku tiirsan Dekedda Jabuuti, taasoo uu dhaqaalo badan kasoo galo labada waddan.