MUQDISHO (SONNA)- Guddiga Hirgellinta Doorashada heer Dowlad- goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Shir looga hadlaayey Sugidda Amaanka Goobaha Doorashooyinka la qaatey Saraakiisha Ciidamada loo xil saaray Amniga Doorashooyinka Booliska, AMISOM iyo UNSOM.
Waxaana ay iska xog-wareysteen sida loo sugi karo Amniga saddexda goob ee doorashada Aqalka Sare ee ugu horeysa lagu qaban doono gudaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed.