Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Sidee ayey Argagixisada Alshabaab Warbaahinta ugu adeegsadaan marin habaabinta Bulshada?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Sidee ayey Argagixisada Alshabaab Warbaahinta ugu adeegsadaan marin habaabinta Bulshada?
Maqaallada

Sidee ayey Argagixisada Alshabaab Warbaahinta ugu adeegsadaan marin habaabinta Bulshada?

By Agaasimaha SONNA
Last updated: July 9, 2021
13 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Maleeshiyadda Argagixisada Alshabaab waxa ay xasuuq ba’an ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Guryaha Soomaaliyeed badankood waxaa gaaray xanuunka geerida oo ay sabab u ahaayeen Argagixisada Alshabaab, haddana wali waxaa jira dagaal yahano marin habawsan oo safafkooda ku jira, haddaba Sidee ayey Argagixisada Alshabaab u askareeyaan dagaalyahanadooda? Qaabkee ayey se dagaal yahanadaa u aaminsiiyaan fikirka Xagjirnimada iyaga oo ka indha tiraya xaqiiqada nool ee jirta?

E X Alshabaab Macalin Siciid Cabdulle Dilib oo loo yaqaan Seerjito waxa uu ku dhashay magaalada Marko sanadku markii uu ahaa 1986, Waxbarashadiisa dugsiga hoose ilaa heer Jaamacadeed waxa uu ku qaatay Muqdisho, waxa uuna ku tkhasusay Culuumta Network Engineering.

Sanadkii 2008-dii ayuu argagixisada Alshabaab kaga biiray magaalada Muqdisho, kedib markii ay arkeen horjoogayaal Xagjiriinta hogaan u ahaa aqoontiisa luuqadaha iyo Tikniloojiyadda waxa ay garteen in Macalin Siciid EX Seerjito uu qeyb ka noqdo koox cusub oo markaa ay sameynayeen taa oo ka shaqaynaysa Probogandhada iyo qurxinta fikradaha gurracan ee Gumaadka Shacabka Islaamka ah ee Soomaaliyeed. Macalin Siciid oo sharaxaya sida uu ugu biiray UGUS waxa uu yiri:-
“Markii ugu horeysay Cabdiraxmaan Cusmaan aa ila soo xiriiray, Shaqadii ugu horeysay ee uu iisoo bandhigayna waxa ay aheyd Tarjumo luuqadaha Englishka, Carabiga iyo Soomaaliga, keddibna Alifaadda. Marka intaan meeshaas joogay in aan talooyin ka geysto u keysiinta warbaahinta dhaqanka Soomaaliga oo aan adeyganso Gabayada iyo Suugaanta Soomaalida, marka maba aheyn warbaahinta mid hormarsan oo ka fekeraaya maxaa fariin ah oo aan u gudbinaa dadka? Intee u marnaa? Waa iclaamkaad aragtay oo isaga soo celceshanaysa Anaashiidda Carbeed.” Ayuu yiri.

Baraha uu Seerjito sheegayo in Argagixisadu u isticmaali jireen faafinta fikirkooda, hadda intooda badan ma shaqeeyaan, mana helaan fursado ay ku soo bandhigaan ku faanidda dhiiga Islaamka ee ay daadiyaan maaddaama dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka ay iska kaashadeen dabar jarka shabakaadka Online-ka ah ee ay Shabaabku ku soo bandhigi jireen aragtidooda. Haddaba dib aynu ugu laabano waayihii tagay.
Shabaabku waligood kuma aysan dhiiran jirin in ay bulshada ka soo dhex muuqdaan iyaga oo duubanaya muuqaalo ay saarayaan barahooda Internetka, marka laga reebo Xerooyinkooda tababarka oo mararka qaar ay u ekeysiiyaan tuulooyin ay dad degan yihiin, haddaba halkee ayey ka keenaan muuqaalada aadka u qaabka daran ee ay Xagjiriintooda ku tusayaan in ay u dagaalamayaan qaddiyad sax ah? Mar uu arintaa ka hadlaayayna waxa uu yiri:-
“Arimahaas waxa ay isaga ekeysiiyaan warbaahinta Alqaacidda, sida Alsaxaab, Almalaaxim iyo qolooyinkaan Jasaa’ir joogo Warbaahin ay leeyihiin oo kale. Filmka in uu ka hadlo dhibaatada lagu hayo Muslimiinta, anaashiid ay gabayo ka sameeyeen oo qofka carabiga yaqaano dareenkiisa kicinayso iyo waxa ugu muhiimsan dhalinyarada dagaalamayso, kuwa xabadda ridaayo kuwa is qarxinaayo waxa ugu badan ee dhalinyarada saameynta ku yeeshay waxaas waaye.”

Run ahaantii waa arin la yaab leh in Muuqaalo laga keenay waddamada Falastiin, Xabsiyada Israa’iil, Xabsiyada dhinacyada ku loolamaya Suuriya kedibna dadka loogu sheego in ay yihiin gudaha Soomaaliya ama Xabsiyada Dowladda ee Muqdisho. Koleey aniga, adiga iyo inta wax baratay ama ku dhex nool bulsho fiyoow ma aamini karaan waxa ay Macalin Siciid iyo dhigiisa u soo bandhigi jireen Bulshada.

Marin habaabinta Bulshada iyo u soo gudbinta fikarado aanan maan gal aheyn waa wax uu ka xishoodo wariyaha ama hay’ad Warbaahineed oo Bulshada ay ka sugeysa jawaab celinta waxa ay u soo bandhigaan balse Argagixisada Alshabaab midna ma sugaan oo waxa ay fikradahooda u soo bandhigaan sida ay iyaga doonaan iyagoonan eegayn Jawaab celinta indheer-garadka iyo aqoonyahanku ay ka keeni karaan waxa ay soo bandhigaan.

Muuqaalada Argagixisada Alshabaab ay soo bandhigaan waxa ay diiradda ku saari jireen dadka Ajaanibta ah ee dalalkooda siyaabooyin kala duwan baxsadka uga ahaa, kuwaa oo ay ugu sheegayeen in Soomaaliya ay hoy u noqon karto Xagjiriinta Sida Abuu Mansuur Al amriiki, Saalax Nabhaan, Fowsuul Cabdalla iyo kuwo kale balse marnaba uma aysan sawirin Saaxiibadood ay kula bohoobeen daadinta dhiiga Islaamka in sida Hawdka badda Madow, daynuunaay iyo Baraawe ay ugu noqotay guri ay habeen seexdaan in ay ugu noqon karto qabuuro ay abid ku jiraan sida ku dhacday saddexdaa argagixiso ee Caalamiga ahaa ee ay Soomaaliya soo af-jartay noloshoodii ku dhisnayd burburinta iyo baadda.

Macalin Siciid Cabdullaahi Dilib waxa uu Gungaar u sheegay in samaynta warbixinada iyo muuqaalada laga soo min-guuriyay shabakaadka Xagjiriinta Caalamiga ah sida Alsaxaab, Al-kataa’ib iyo kuwa kale oo Al-qaacidda ay leedahay ay inta abdan xooga ku saari jireen soo jiidashada dadka Qurba joogta ah ee aanan war badan u hayn Nolosha Dhabta ah ee Soomaaaliya ka jirta.

Hadda waa ay soo gaba-gaboobeen adeegsiga Warbaahinta, Qalabkii Idaacadda Andalus oo aheyd warbaahintii ugu weyneyd Shabaabka, waxa uu saran yahay gaari Cabdil bille ah oo maalinba la istaajiyo mid ka mid ah tuulooyinka fara ku tiriska ah ee gacantooda ku haray banaankeed. Shabakad wax soo saarta oo shaqaale iyo xafiisyo lehna warkeedba daa. Alshabaab madaxdoodii soo duubi jiray fariimaha Gabayada, maansooyinka iyo waxyaabaha kale ee beer laxawsiga ahba leh waxa ay maanta baxsad ku yihiin geedo hoostood.

Haddaba dadkii lagu marin habaabin jiray muuqaaladii gacan-ku-rimiska ahaa, maanta sidee ayey ku askareystaan?
“Hadda reer miiga ayaa lagu dhahaa caruurta keena waxbaan idin bareenaaye, haddii uu xanuunsado waa loo soo celiyaa oo mid kale keena ayaa la dhahaa. Haddii canuga uu baxsado waxaa la xiraa hooyadii, aabihiina waxaa la dhahaa soo celi canuga baxsaday, qof ay xaaskiisii xiran tahay waa uu ku qasban yahay in uu soo celiyo wiilkiisa meel walba oo uu jiraba.” Ayuu yiri.
Hadda waxa ay iskugu soo aruureen Maafiyada Shabaabku afduub, dil, goodis iyo qarxinta Bulsho Muslimiin ah oo ay ku beegsadaan siyaabooyin kala duwan. Askareynta qasabka ah ee Caruurta, dhaca xoolaha reer miiga iyo argagax gilinta Bulshada waxa ay noqotay awoodda kaliya ee ay door bidayaan Shabaab sida uu inoo sheegayo X Alshabaab Macalin Siciid.
“Hadda ismaba weydiiyaan maxaan dadka ku takfiirinaa? Maxaan kula dagaalanaa? Sideen ku wajahnaa rimaha noocaas ah? itixaadkii oo kale markii ay ku jabeen dagaalkii gedo oo kale waxa ay qaateen in ay dib dacwadii ugu noqdaan, anaga maxaa nala gudboon? Waxaas oo dhanba uma muuqato ee waa dad hamigoodu yahay maanta Xamar ayuu qarax ka dhacay, Wasiir ayaa la dilay ama qof ayaad dishay.”

Macalin Siciid hadda waxa uu aaminsan yahay in Fikirku Shabaab uu yahay kan ugu mudan in dadku ay ka soo wada hor jeestaan oo la dagaalamaan. Haddaba, woodda Shabaab xiligan halkee ayey mareysaa?“Alshabaab hadda waxa ay joogaan sidii xiligii Nabi Suleymaan markii uu dhintay waxa uu ku sii taagnaa ushiisii oo uu ku taagsaday, jinku waxa ay u heysteen in uu nool yahay ilaa ushii uu Aboor cunay oo ay jabtay, markaa ayey Jinkii xaqiiqsadeen dhimashadiisa. Shabaab hadda way dhinteen ee ushaa oo kale ayey ku taagsan yihiin oo loogu maleeyaa in ay nool yihiin.” Ayuu yiri.
Shabaabku waxa ay noqdeen awood jirtay, balse sii liicday oo gabalkeeda dhacay sida ku dhacday kooxdii ay ka tirsanaayeen ee Alqaacidda.

Balaayaba Balaayo ayey ka cuudu bileysataaye, Waxaa bilowgii 2014kii soo ifbaxay Argagixiso kale oo la baxday Daacis, taa oo xagjiriin badan oo dareemay in Calankii Alqaacidda uu damayo Usaama Bin laaddin kedib ay u jahesteen ku biiritaankooda. Rag badan oo Argagixisada Alshabaab ahaa ayaa ka mid noqday kuwa ku biiray Daacish, taa oo dagaal ka dhex abuurtay Kooxdii shalay baaddilka ku midowday Alshabaab, waxaana ka dhex bilowday is-qaarijin iyo in ay iskuula noqdaan wixii ay Bulshada Soomaaliyeed ku hayeen.

Macalin Siciid Cabdulle Dilib waxa uu ka mid ahaa dagaal yahanadii isla xiligaaba u wareegay dhanka Daacish waxa uuna inoog war bixiyay waxa uu ku xushay Maafiyadaas labaad.
“Markaan ISIS aadaayay waxaan qaatay go’aan shaqsi ah ayaan qaatay oo ah in aan hadda keddib Jamaaco daacad u noqon, nimankaan maaddaama aan niman asxaab ah nahay waxyaabo yar-yar oo ay iga codsadeen oo aan samayn karay oo ah in aan nimankaas oo kale xiriirkooda iyo in aan u soo badbaadiyo qof oo xataa badbaadintiisa aan ajar ka helaayo, waxyaabo noocaas oo kale ah ayaan horta u sameeyay. Waana rabay in aan maqlo codkooda, manhajdkooda iyo sida ay wax yeelayaan.” Ayuu yiri.

Macalinku waxa uu si dhuumashaal uga baxsaday Alshabaab, waxa uuna u dhaqaaqay dhankaa iyo buuraha Galgala si Argagixisada Daacish uga mid noqdo, halkaa ayuuna kula kulmay Cabdiqaadir Muumin oo ah hor-joogaha Kooxdan Cusub. Kooxda Daacish ee Soomaaliya waxa ay ka faa’iidaysatay Khibraddii iyo aqoontii Macalin Siciid, balse isaga dhankiisa waxba waa ay uga siyaadi waayeen Daacish oo waxa uu u tagay Arxan laawayaasha Alshabaab oo magacii uun badashay, sida uu Gungaar u sheegay.

Shabaab iyo daaacish maxay ku kala duwan yihiin?
“Waxba kuma kala duwana oo way kala caqli badan yihiin kaliya. Shabaabku marka uu dan kaa yeesho waxa uu ku siinayaa wax walba oo u baahan tahay, waxa uuna ku dedaalayaa in aadan gacantiisa ka bixin.” Ayuu yiri.
Seerjito waxa uu aaminsanaa in Daacishta Soomaaliya ay noqonayso meel uu talo ku leeyahay maaddaama uu ka caawiyay arimo asaasi u ahaa in ay ka mid noqdaan Maafiyada Caalamiga ah ee Daacish balse waxa u uku hungoobay Rajadiisii. Shaqsiyan waxa uu aaminsan yahay in Daacish aanu xubin ka noqon balse waxa uu moog yahay in uu ka caawiyay sharciyeyntoodii ku biiritaanka Ururka Xagjirka Caalamiga ah sida uu sheegay.

Barnaamijka Gungaar ayaa fursad u siiyay in uu fariin u diro saaxiibadiisii shalay kuwaa oo wali iska indha tirayo xaqiiqada dhabta ah ee jirta, waxa uuna yiri Macalin Siciid.“Haddii ay i maqlaayaan, waxaan leeyahay ilaahay ka baqa dadkaan muslimiinta ah ee aad dhibka ku heysaan, Jihaad na waxba kama taqaanaan, sharci illaaheyna maadan baran, Sharciga illaahay waa kaad ka xanaaqdaan marka la idiin sheego. Waxaad ka xanaaqdaan oo aad ka san taagtaan marka la idin yiraahdo war dhiiga Muslimka ah daaya, aqoonna ma lihidiin, diina ma taqaanaan, umadna wax u tari maysaane orda oo ilmihiina u xiirta”. Ayuu yiri.
Hadda Macalin Siciid waxa uu ka baxay Alshabaab, waxa uuna maray shuruucda iyo qawaaniinta dowladda Soomaaliya uga yaala Xubnaha laga soo qabto Alshabaab. Waxa uu xaqiiqsaday fikirka Xagjirka ah ee Alshabaab dhibka uu u geystay umadda iyo sida uu u ragaadinayo in talaabo loo qaado dhanka horumarka iyo nolosha.

Dhamaaad

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

JIDKAAN MEEL KALE OO LOOGA LEEXDO MA LEH (WARBIXIN)

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida ee…

GudahaMaqaallada
October 24, 2023

Magaalo 15-kii sano ee la soo dhaafay go’doomisay Khawaarijta oo hadda noqotay goob loo dalxiis tago (Warbixin)

Muqdisho,(SONNNA):- Magaalada Mareeg ee bariga gobolka Galgaduud, waa magaalada kaliya ee gobolka Galgaduud ka tirsan kuna taala dhanka xeebta. Mareeg,…

Maqaallada
August 8, 2023

Baarlamaanka maanta nasiib ma u yeelan doona ansixinta Dastuurka?  (WARBIXIN)

Si aan wa badan uga ogaanno Dastuurka horta waa maxay Datuur? Dastuur (Af Ingiriis : constitution) waa qaanuunka ama heshiiska…

GudahaMaqaallada
February 21, 2024

Maxaa laga fahmi karaa Sheegashada Al-Shabaab ee Xasuuqii Muqdisho.?

Maalmo ay maleeshiyada Alshabaab la aamusnaayeen sheegashada Qaraxii ay ku xasuuqeen ku dhawaad 100 qof oo rayid ah waxay qirteen…

MaqaalladaWararka
December 31, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023