Gaalkacyo-(SONNA)- Wafdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan maamul-goboleedka G/Mudug ayaa manta oo Axad ah gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Ujeedada booqashada wafdigaan ayaa waxay tahay in ay la kulmaan madaxda iyo maamulka Gaal kacyo , qaybaha kala ee bulshada ee ku nool magaaladaasi iyo qabtaan kullamo loogu kuurgalayo xaaladda magaalada.
Wafdigaasi golayaasha maamulka G/Mudug waxay ka mahad celiyeen sida diirran ee maamulka iyo shacbiga Gaalkacyo u soo dhaweeyeen,waxayna intaasi raaciyeen in taasi tusaale u tahay maamul wanaag ka hanaqaaday dhammaan deegaanada xorta ah ee Galmudug.
Ugu danbayntii wafdigaasi ka socday golayaasha Galmudug waxay baaq nabadeed u direen beelaha walaalaha ah ee deegaannada Qalanqalle iyo Xananbuure ee dhawaan dirirtu dhexmartay, taasi oo sababtay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 6 kale.