Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo beesha caalamka oo ka shiray arrimaha Dastuurka.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo beesha caalamka oo ka shiray arrimaha Dastuurka.
Wararka

Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo beesha caalamka oo ka shiray arrimaha Dastuurka.

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 24, 2020
3 Min Read
Share
Muqdisho: SONNA)-Hay’adaha u xilsaaran dib-ueegista dastuurka oo kala ah Wasaarada Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa shir ku qabsoomay alladda la iska-arko ee Internetka la yeeshay qaar kamid ah Danjirayaasha dalalka iyo hay’adaha caalamiga u fadhiya Soomaaliya oo kala ah UN, Norway, Sweden, Denmark, UK, Switzerland, EU, Germany, Italy, iyo US.Shirka intii uu socday ayaa lagu gorfeeyay caqabadaha soo food-saray iyo horumarka laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sii wadidda hayaanka loogu jiro dhameeystirka dastuurka.

Ugu horeeyn, kulanka waxaa warbixin ka jeediyay Wasiirka Ariimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay howlaha qabsoomay mudooyinkii dambe isagoona yiri “Waxaa noo suurtagashay in aanu qabanno howlo muhiim ah oo ina horyaallay kuwaasi oo masiiri ah qaar kalena inoo harsanyihiin, inaga oo og muhiimadda uu leeyahay dib-u-eegista dastuurka waxaa kulamo-shaqo oo wadaxaajood ah la yeelanay Wasaaradaha DFS iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada inagoo kala arinsanay daadajinta awoodaha, xal-ka-gaarista arrimaha u baahan wadaxaajood-siyaasadeed iyo dar-dargelinta arrimaha wacyigelinta dadweynaha iyo uruurinta ra’yiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay”.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo danjirayaashii kale ee shirka ka qeybgalay ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay iyo wadashaqeeynta ka dhaxeeysa hay’adaha u idman dib-u-eegista dastuurka xiligan adag ee khatarta Caabuqa COVID19 uu jiro, sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen guulaha laga gaaray arrimaha farsamada ee dastuurka iyo arrimaha xalka siyaasadeed u baahan oo wax laga qabtay howlaha ka dhimanna ay qorsheysanyihiin in muddo dhow la soo dhameystiro.

Dhanka kale, waxa ay beesha caalamka ku booriyeen DFS iyo D/Goboleedyada inay kawada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee heshiiska u baahan si loo dhameeystiro dastuurka muddo xileedkan hada lagu jiro.

Gebogabadii, Wasiir Saalax Jaamac ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka garab istaaga ay had iyo jeer u muujiyaan Wasaaradda iyo labada Guddi, sidoo kalena waxay Beesha Caalamka markale xaqiijiyeen joogteynta taageeradooda ay siiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka si looga dhabeeyo rabitaanka shacabka ee ah dhameeystirka dastuurka.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kor u qaadeyso dadaallada lagu tallaalayo bulshada ee Caabuqa COVID-19

Muqdisho (SONNA)-Soomaaliya ayaa maanta ka heshay xarunta COVAX 302,400 oo ah tallaalka Johnson & Johnson (J&J), qabytii ugu horaysay. Tallaallaka…

GudahaWararka
August 12, 2021

Xildhibaanada Haweenka BFS oo ka qeyb-galay dood-wadaag,uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska R/Wasaaraha

Xildhibaanada Haweenka ee Golaha Baarlamaanka JFS ayaa ka qeyb-galay dood-wadaag,uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Raisul Wasaaraha oo ku saabsaneyd dib-u_milicsiga qoondada…

Gudaha
January 12, 2023

Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan kula yeeshay magaalada Nairobi dhiggiisa dalka Kenya

Nairobi-(SONNA)-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo booqasho ku tagay xafiiska xeer ilaalinta guud ee dalka Kenya…

GudahaWararka
February 9, 2023

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah ka amba-bixisay dakedda Muqdisho

Muqdisho (SONNA):- Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed ee SoDMA ayaa maanta oo Axad ah dakedda Muqdisho waxa ay ka amba-bixisay…

GudahaWararka
December 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023