Xilliyadii hore Dameerada waxay aheeyeen Gaadiid miyi iyo magaalaba aad loogu isticmaalo, hase yeeshee sanadadaan dambe waxa yaraadey isticmaalka dameeraha, laamiga, goobaha ganacsiga iyo meelaha muhiinka ah sida ceelasha biyaha waxad ku arkeysaa dareero meel ay ka imaadeen la aqoonin oo raxan raxan isula socda, waxana inta badan dadkii ku shaqeysanayey Dameeraha ay la jaanqaadeen casriga waxayna ku xamaalanayaan mootooyinka oo dhan walba uga sahlaya in nolol maalmeedkooda soo saartaan.
Ilmiile Ibraahim Guuleed waxa dhowr iyo toban sano ku shaqeysanayey wadista kareetooyinka ama Gaari Dameerka oo nolosha qoyskiisa ku maareynjirey hase ahaatee hadda waxa uu ka xeynayaa mooto, Ilmiile waxaan kala sheekeystey waxa iska bedeley shaqadiisa iyo noloshiisaba.
Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa marar badan soo saarey amaro lagu xakameynayo dameeraha, balse weli ma aysan dhaqangelin, sidaa waxa yiri Cabdulaahi Nuur Abuukar oo xubin ka ah xafiiska arimaha bulshada ee Degmada Xudur hase ahaatee, Cabdulaahi Nuur ayaa sheegey inaysan waxyeelleyn doonin xayawaanadan, balse ay qorsheynayaan sidii ay hab nabad ah uga saari lahaayeen magaalada.
Dhibaatada deegaanka ku hayaan xoolahaan aan cidna masuuliyadeeda qaadeynin waxa ka mid ah xaalufiin dhulka daaqa ah, meelaha biyaha laga cabo iyo nadaafad xumada deegaanka ka jirta maadaama ay yihiin kuwa socda habeen iyo maalin meel u gaar ah oo lagu xareeyana aysan jirin.
Geeddi Aadan waxa kula kulmay ceelasha biyaha Xudur xilli oo uu waraabinayey lo’diisa oo ka soo arooriyey deegaanka weerow oo ka tirsan Degmada Xudur, waxaana uu codsanayaa in deegaanka laga musaafuriyo dameeraha.
Dameeraha wax qiimo ah kuma joogaan suuqyada Xoolaha lagu iibiyo ee Degmada Xudur, Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahy beeraleyda Gobolka Bakool wuxuna sheegey in dalagyadii beeraha ay baabi’iyeen, taasina ay u dheer tahay meelaha ay ku saxaroodaan dameeraha oo nabaad guur ku dhaca.
Wadamo badan oo caalamka ka mid ah ayaa laga mamnuucay ka ganacsiga Dameeraha albaabadana loo laabey kawaanadii hilibkooda lagu iibin jiray, waxaana sabab u ah tirada dareeraha nool ee dalalkaas oo yaraaday, kaddib markii ay soo bateen Dameeraha la soo xaday ee lagu kala iibsado suuqa madow.
W.D:- M. Gooni iyo habeyntii C/laahi Ruush