Muqdisho (SONNA) – Sida lawada ogsoonyahay abaarahii ku dhuftay Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelada Dhexe ayaa waxa ay sababeen in qoysas badan ka soo barakacaan deegaannadooda, kuwaasi oo iminka ku nool kaamam ku yaala Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo ay ku haysato xaalado dhanka nolosha ah .
Mar Wariyaheena Irshaad uu booqasho ugu tagtay kaamamka ay ku noolyahiin ee Waaxda Cumar Fiyaasko ee Degmada Kaxda ayaa waxa ay uga warrameen dareen iyo xaaladaha ay ku suganyahiin, iyagoo sheegay inay ka soo barakaceen abaar iyo dhibaatooyinka ay ku hayeen argagixisada Al-Shabaab oo xalahii iyo berahii ay noloshooda ku maarayn jireen ka barakaciyay.
Qoysaskaan ayaa waxaa qayb ka ah muwaadaniin u dhashay dalka Yemen kuwaasi oo ka soo barakacay dagaaladii ka dhacay wadankooda, waxaana mudo shan sano ah ay deegaan sanayaan
“ Waxaana ku noolnahay Waaxda sadexaad ee Degmada Kaxda waxaa nahaysta dhibaatooyin dhinaca nolosha ah, waxaa jeclaan lahayn in gargaar nala soo gaarsiiyo, nolol wanaagsan ma haysano, waan baahanahay, waxaan halkaan ku noolnahay 5-sano qaarkeen hal kaan waxaa ay ku nooyahiin 2 sano, ma haysano xarumo caafimaad waxaa naga fog goobaha caafimaadka waxaa aadnaa xanaano oo ku taala km4”ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinka ku nool kaamka.
Nolosheena waa isku mid waxaa na haysta deegaan la‘aan waxaa halkaan ku noolnahay 20 Qooys, Xukuumadda waa umahadcelinaynaa, Madaxweyne Farmaajo waxaa ka codsanaynaa in wax naloo qabto, hay’adaha samafalka waxaan ka codsanaynaa inay gargaar na soo gaarsiiyaan” sidaasi waxaa sheegay qaar ka mid ah qooxootiga Yemaniyiinta ah oo uwaramayay wariye Cabdiqaadir Yuusuf Irshaad oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka.
Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamad Yuusuf Maxamad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweeyeen barakacayaashaa, waxaana uu sheega inay jiraan baahiyo badan oo dhinaca nolosha ah oo haysta qoysaskan, waxaana uu intaa ku daray in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay kaamamka.
Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in maamulka oo kaashinaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ku guulaysteen inay gar gargaar u fidiyaan qaar ka mid ah dadkii uu soo ritay cudurka, uuna jiro qorshe caafimaad oo uu maamulka Gobolka u diyaariyay barakacayaasha, waxaanna uu uga digay hay’adaha samalka inay iska fiirsadaan dhibaatada haysata qoysaska barakacayaasha ah, ayna tahay inay ka jawaabaan baahiyahooda
Waxaa isa sii taraya tirada barakacayaasha ee soo gaaraya Degmada Kaxda waxii ka danbeeyay markii ay abaaraha ku dhufteen qaar ka mid ah gobolada dalka.