Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda
CiyaarahaGudaha

Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-  Kulamo ka tirsan koobka General Daa’uud ayaa la dheeli doona waxaana is arki doona kooxaha kala ah; Horseed FC vs Muqdisho City Club iyo Elman FC vs  Dekedda FC, ciyaaraha ayaa ka kala dhici doona garoomada kala ah Jaamacadaha Stadium iyo Eng Yariisoow Stadium.

Garoonka Jaamacadaha ayaa marti galin doona mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan koobka General Daa’uud kal ciyaareedkan waana ciyaarta dhaxmari doonta  kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club.

XAQIIQDA KULANKAN:-

Kooxda Horseed FC ayaa kulankan wuxuu u yahay mid guul ama geeri ah taas oo aan kala jeedno inay u furan tahay labo wado oo kala ah  in ay kala dirto wiilasha Muqdisho City Club oo ay ka adkaato ama in ay barbaro  ka hesho kooxdan, iyadoo ku xisaabtameysa kooxda Elman oo la dheeleysa Naadiga la dhaala dhaceysa guuldarrooyinka ee Dekedda,  waxayna u baahan tahay Horseed in ay xaqiijiso u soo bixintaanka wareegga xiga ee tartanka General Daa’uud.

Horseed waxay iminka leedahay afar dhibcood, halka naadiga Muqdisho City Club goor hore ay xaqiijisay u soo bixitaanka wareegga xiga koobka General Daa’uud fasal ciyaareedkan, laakiin sheekada waxay ka taagan tahay kaalinta koowaad, haddii kulankan ay Horseed ka adkaato Muqdisho City Club waxay hoggaanka u qaban doonta Guruubkan B iyadoo lahaan doonta 7- dhibcood halka Muqdisho City Club ay kaalinta labaad ugu soo bixi doonto 6-dhibcood, balse haddii Muqdisho City Club ay badiso ama ay barbaro gasho iyada ayaa kaalinta koowad ku soo bixi doonta.

Guruubkan B waxaa ku jiray illaa afar kooxood oo kala ah; Dekedda FC , Elman FC, Muqdisho City Club iyo Horseed FC, waxaa si rasmi ah isaga haray tartankan kooxda Dekedda FC, waxaana raaci doona midkood Horseed iyo Elman FC.

Elman waxa ay leedhahay 1-dhibic waxayna kulankeeda ugu dambeeya la dheeli doonta Dekedda, haddii ay ka soo adkaato Dekedda waliba goolal saadex kor u dhaafay ku disho Dekedda, Horseed na laga adkaato waxay taas noqonaysa in Elman soo bixi doonto Horseedna hari doonto, laakiin Horseed oo ka adkaato Muqdisho City Club ama barbaro la gasho waxay taas ka dhignan doonta in Horseed ay soo baxdo, Elman iska harto xita haddii Elman ay ka soo adkaato Dekedda FC.

Kooxda Cawo iyo maalin ee Horseed ayaa ku taamaysa inay ka aar-gudato kooxda Muqdisho City Club iyadoo wali xusuusata final-kii koobkan General Daa’uud in rigooreyaal 4-3 loogu qaaday Horseed, xilligaasna ay ku guuleysatay Koobka naadiga Muqdisho City Club.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Horseed FC iyo Muqdisho City Club

Garoonka: Jaamacadaha

Saacada: 3:30 Galabnimo

Dhanka kale garoonka Eng Yarsiisow Stadium ayaa waxaa ku hardami doona kooxaha kala ah Dekedda FC iyo Elman FC.

Naadiga Dekedda FC ayaa goor hore iskaga hartay tartanka General Daa’uud halka NBaadiga Elman ay rajo ku nool tahay taas oo ka dhur-sugeyso kulanka dhaxmari doona kooxaha Horseed FC iyo Muqdisho City Club.

Elman kaliya waxay ku farxaysa in laga adkaato Horseed iyadan ay ka soo badiso Dekedda waliba goolal saddex gool iyo ka badan si ay booska labaad ay farqiga goolasha ugula baxdo Horseed.

Ogeysiis Kulanka:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Elman Vs Dekedda

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

kulan ku saabsan xog uruurinta naafada dalka oo lagu qabtay Garoowe

Garoowe (SONNA): Hay'ada naafada Qaranka oo kaashanaysa daladda naafada Puntland ayaa Garoowe ku qabtay kulan ku saabsan xog uruurinta naafada…

GudahaSawirroWararka
March 16, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waxaa naga go’an in aan la noolaano bulshadeenna

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddu ay yeelanayso dhaqanka ah in xilku yahay mas’uuliyad ee uusan ahayn meel…

GudahaWararka
March 22, 2023

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida & wadajirka ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho, (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka…

GudahaWararka
September 5, 2024

Madaxweyne Lafta-gareen oo odayaasha Dhaqanka Diinsoor kala hadlay dardargalinta wajiga 2-aad ee dagaalka khawaarijta

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kala hadlay Odeyaasha Dhaqanka iyo Dhalinyarada Degmada Diinsoor Qorshaha…

GudahaWararka
October 29, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023