Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay cutub loo qaadayo tababar aqoon kororsi ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Masโ€™uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: โ€œ๐’๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ข๐ง ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐š๐›๐ญ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐๐š๐๐›๐š๐งโ€
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: โ€œ๐’๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ข๐ง ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐š๐›๐ญ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐๐š๐๐›๐š๐งโ€
GudahaWararka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: โ€œ๐’๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ข๐ง ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐š๐›๐ญ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐๐š๐๐›๐š๐งโ€

By Abdulkadir
Last updated: June 23, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA): Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayey ergooyinkii ka qeybgalay Gogoshii Wadatashiga Qaran, ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in dalkeennu uu dib ugu laabto doorasho dadban, awooddana loo celinayo shacabka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay dhiirrigelinayso talooyinka ku wajahan doorashada ee ay soo gudbiyeen haldoorka Soomaaliyeed ee isugu yimid gogosha, iyo kaalinta ay ka qaadanayaan hannaanka dimuqraadiyadeed, gaar ahaan habka loo marayo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku timaadda rabitaanka shacabka.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay midnimo iyo isku duubni, si looga gudbo nolosha dadban ee dhibaatada ku haysa amniga, doorashooyinka, dhaqaalaha iyo xaqiijinta guulaha waaweyn ee loo baahan yahay in Qaranka la gaarsiiyo.

โ€œWaxa aynu u baahannahay in aynu u gudubno hannaan lagu mideysan yahay oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isu keenaya, haddii aynu ka baxno nolosha dadban waxa aynu ka gudbayna midnimo laโ€™aanta colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalkeennaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, ayaa u mahadceliyey ergada iyo haldoorka Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay gogoshii uu ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda, isla markaana la yimid goโ€™aanno muhiim ah oo ku aaddan masiirka dalka, kaalin weynna ka qaatay dooddii iyo aragtiyihii lagu soo bandhigay gogosha.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay cutub loo qaadayo tababar aqoon kororsi ah

Muqdisho.SONNA...Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay cutub kamid ah ciidanka…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari

Muqdisho(SONNA);- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daauud Aweys Jaamac , ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay…

GudahaWararka
February 15, 2026

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee…

GudahaWararka
February 1, 2026

Ciidamada dowladda oo dilay 20 dhagarqabe oo ka tirsan khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen waxay cagta ku mariyeen goobo ay gabaad…

GudahaWararka
July 16, 2023

Wasiirka amniga gudaha dalka oo gaaray Turkiga

Ankara (SONNA): Wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah…

GudahaWararka
February 3, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023