Madaxweynaha K/Galbeed oo la Kulmay Wafdi uu Hogaaminaayey Madaxa Hey’adda Cuntada Dunida...

Madaxweynaha K/Galbeed oo la Kulmay Wafdi uu Hogaaminaayey Madaxa Hey’adda Cuntada Dunida WFP+sawirro

SHARE

Baydhabo(SONNA)…Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada,ayaa manta magaalada Beydhabo kula kulmay Wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Hay’adda Cuntada Dunida ee WFP Casar Arroyo

Kulankaan oo ujeedadiisu aheyd sidii Qaramaa Midoobay,gaar ahaan Hey’sffs Cuntada Dunida ay  u ogaan laheyd Xaaladaha Ka jira Deegnaadda dowladda Koonfur Galbeed ,waxaa uu ka dhacay Xarunta Aqalka Madaxtooyada ku meel Gaarka ee Magaalada Baydhabo

Kulanka inta uu Socday,waxaa looga hadlay Sidii Hay”adda WFP ay u kordhin lahayd Arimaha Gargaarka ee ay ka wado Deeganadda Koonfur Galbeed Somaliya Waxaana Madaxa Hay”adda WFP uu Sheegey inay kordhin Doonan Kaalmada Bini adan nimo ee ay ka wadan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay”adda WFP Waxaana uu ku dhiiro Geliyey inay kordhiyaan Sidii Kaalmada Bini adan nimo ee ay kawadan Koonfur Galbeed ay u joog tayn lahayeen.

LEAVE A REPLY