Sacuudiga oo hakiyay xujeyda ka imaanaya dalka Dr.Congo

Sacuudiga oo hakiyay xujeyda ka imaanaya dalka Dr.Congo

SHARE

Riyad-(SONNA)-Maamulka dalka Sacuudi Carabiya ayaa hakiyay dadka soo galaya dalkiisa ee safarka ama socdaalka kaga imaanaya dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee  Congo.iyagoo ka baqaya in cudurka Epla uu ku faafo xujeyda bisha soo socota ka qeybgalaya gudashada xajka.

Go’aankaasi ayaa lagu shaaciyay qoraal soo baxay maalinimadii Arbacada,kaas oo uu soo saaray Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Sacudiga,ka dib markii todobaadkii hore Ururka Caafimaadka Dudida ee WHO uu ka dhawaajiyay in dalka Congo qeybo ka mid ah sida magaalada Kivu iyo Gobolka Ituri uu ka dillaacay cudurka Epola.

Dadka la siiyay fiisaha ee xujeyda ka imaanaya dalka Congo ayaa  la jojiyay ,si loo badbadiyo fayo qabka xjeyda gudanaya waajibaadka Xajka sidaasi waxa yiri” Wasiirka Arimaha Dibadda”

Ilaa hada ma cadda tallaabadaasi lagu hakinaayo Xujeyda dalka Congo ,tirada dada ay saameyneyso,waxaana la caddeeyay in 3% ay Muslimiin yihiin bulshada reer Congo.

Cudurka Epola ayaa la xaqijiyay in dalka Congo uu ku dilay kun iyo todobo boqol oo ruux muddo sanad ah ,waana markii labaad ee cudurrkaasi uu ku fidaayo dalal ka mid ah Afrika.

Sanadihii 2014-kii iyo 16-kii dalka mSacuudiga waxa ay fiisaha xajka u diideen dalaka Guinea, Sierra Leone, iyo Liberia,ka dib kolkii cudurka Epola oo ka dillaacay dalalkaasi uu dilay 11 kun oo qof.

LEAVE A REPLY