1da luulyo “Hanashadii Himilada”

1da luulyo “Hanashadii Himilada”

SHARE

Noloshu waa ilbiriqsiyo isku beddela daqiiqado, daqiiqado isu beddelo saacado, saacado isu beddelo maalmo, maalmo isu beddelo isbuucyo, isbuucyo isu beddelo bilo, bilo isu beddelo sanado iyo sanado . Sidaas ay tahay haddana aadanuhu waa sinji wareegayo oo maalinba wax u cusub yihiin. Yeelkeed e, Alla weyne ayaa qadaray in oog cusuba uu wax lagu farxo ama wax laga noxo soo kordhiyo.

Bani’aadanka inta adduunyada ku nool waa qowmiyado kala gadisan, annagusa waxa aan dhacnaa Afrika cirifkeeda bari oo Eeba weyne barriimo/deegaan barwaaqeysan inaga siiyay. Ayadoo xaalku sidaas yahay waxaa fara badan dulmiga aadanuhu isku duleystee, qolaba maalinta laga muruq-roon yahay waa la gumeystaa ayadoo inta badan noolaha dunidu xaalkaas soo wada maray qolaba si ha usoo maree.

Ummadaha afrikada bari ee lagu naaneyso kushutiga bari (east Cushitic), qowmiyadeeda Soomaalida, waxaa Eeba weyne u gaar yeelay arrima dowra oo aan la siin ama lagu yareeyay inta badan reer weynaha kuush ama ummadaha afrikada bari, aan ekaan wadaagga nahay sida (Itoobiyaanka, Eriteriyaanka iyo Suudaanta) ama aan oodwadaagta nahay sida (Kiinya, Suudaanta koofureed iyo Ugaandha). Galladahaas Alla inoo gaar yeelay waxaa ka mida:-

1-Islaanimo2-Dhaqan wanaagsan  3-Dun-wanaagsan,4-Dhul isu dheelitiran          5-Bad weyn iyo     6-Dal aan Illaah inoo cabirin oo nagaba weyn.

Intaas iyo ina kaleba ma wada heystaan ummadahaas, sikastey ahaataba waxaa mahadaas leh Eeba weyne.

Bulsha kastaa ayadoo sidii uu Rabigood u boqray u yaal ayey leeyihiin maalmo gaar ugu asteysan, maalmahaas waxaa lagu dhigay Farxad iyo Muruga midood. Hase ahaatee maanta waxa aan si dhug iyo dhaba-gal leh uga hadli doonnaa maalinta qiimaha badan ee luulya kowdeeda.

1-luuyo (First July) “waabaa baryay bilicsan”

Bulshada Soomaaliyeed waxa ay leedahay maalmo dhowr ah oo ku dhigan qalbiyada iyo boggaga qiimaha gaara uga fadhiya, sidaas darteed waxaa ummduhu si gaara u tixgaliyaan maalmaha lagu calaamadiyay dhiigga hal-doora fara badan oo maalmahaas dartood god ugu jiro. Si aan u garano, maxay tahay sababta 1-luulyo qiimaha intaa ula eg u yeelatay? Aan dib u eegno sooyaalka taariikheedka Soomaalida:

Soomaalida bulshada lagu magacaabaahi waxa ay dunida dusheeda ku suntaneed waqti aan la aan cilmi-yahanka dhigaalka taariikhda ku xeel-dheeri aysan wali isku wada raacin, laakiin waa waayo aan marka ay isu tageen culumada lagu magacaabo “bahweynta maskaxda iyo maan-baarku” ay ku sheegeen waqti kumanaan Sanaa.

Sidaa darteed waxa ay soo martay waqtiya adag sidi ummadaha kaleba, waqtiyadaas oo aan ka xusi karno, dagaalo, xukuno iyo barakicinba isugu siyo. Annagoo eegeyna waqtiyadaas kala duwan iyo lugta ay ku lahaan karto maalintaan Luulya ay kowda aheyd bal aan nasiyo dhowr tuduc oo soo koobayo waaya dheer:

  • Waa maalintii dirkeeniyo      ilaa duudki Nabi Aadam (C.S)
  • Ummadeeni diraacdiyo          halka deyrna eheedoo
  • Gumeystihii dabinkiisi,          intuu dowyo u yeelay
  • Shanta deyrna u qeybshay     midnimadiina ka deyray      
  • midnimadiina ka deyray        waa maalinteenu ka diidnay     
  • oo Calankeena la deyray        daa imow mahadaa

Maalintaan qiimaha badan, marka si kale loo eego waa maalintii xoreysay gobal Soomaaliyeed, dibna u mideysay laba gobal oo Soomaaliyeed.

Waa maalintii Abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde marki ay farxadi karaarka dhaaftay uu ku maasooday:

  • Ka siddeetan sebaaney                Calankaannu sugaynaye
  • Sahankiisa ahaynow                    Seermaweydo hillaacdayoow
  • Sagal maanta darroorayoo          Siigadii naga maydhayoow
  • Saq dhexaanu ahayne                  Kii soo saaray cadceeddoow
  • Samada kii u ekaayee                   Xiddigaa mid la siiyayoow
  • Saaxirkii kala guurraye                Sarreeyow ma-nusqaamoow
  • Aan siduu yahay eegno’e              Kaana siib kanna saar

AbwaanC/llaahi Suldaan Tima-cadde mar uu tilmaamayay farxadda uu dareemayay habeenkaas wuxuu yiri:

  • In sidayda tihiin iyo                  In kalaanan saxaynine
  • Soomaloo calan taagta             Saakay noogu horreysa oo
  • Seddax wiig iyo maalmo           Haddaan soor cuni waayo
  • Safrad laygama yaaboo            Sarina mayso naftayda,e
  • Saaxirkii kala guurraye             Sarreeyow ma-nusqaamow
  • Aan siduu yahay eegno’e          Kaana siib kanna saar.

1-luulyo (First July) 1960, waxa ay bulshada Soomaalida u ahayd maalin aad uga u wayn,waxayna ku astaysan tahay maalin farxadeed oo ay heeryaddii gumaysiga iska rogeen gobalada koofureed kuna midoobeen labadii gobal ee waqooyi iyo koofur.

Si aan maankaada uga dhaadhiciyo mudnaanta uu waddaniga barigaa siinayay gobanimmadiisa waxaa tusaale buuxa u noqon karo Allaha u naxariistee Abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde oo 26-juun 1960, afar maalin ka hor 1-luulyo isla maasadaan ka tiriyay calan saarkii xorriyada gobalada waqooyi asigoo ka mariyay 12:00AM saqdii dhexe Beerta xurriyada ee magaalada Hargeysa, isla 1-luulya 1960kiina isla maasadaan ka tiriyay dhismihii xamar looga talinayay oo calanka buluugga ah laga taagay OFICIO GOVERNO.

Halkaas waxaa isugu yimi dad kumanaan gaaraya,kuwaasoo u oomanaa maalintaan oo kale. Taasoo ay usoo halgameen muddo dheer, rag badana u god-galeen, waa tii uu Allaha u naxariistee Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasim” asna uu ku maansooday, markii uu la cajabay farxadda ay maalintaa gacanta ku hayeen iyo halgankii dheeraa ee uu Sayid Maxamed u god-galay, waana Qaasim oo Sayidka u sheegayo in halgankiisii aan laga harin wuxuuna yiri:

  • Allow yaa darwiishkii fariin dabacsan gaarsiiya
  • Allow yaa dadkaagii yiraa dowladnimo qaaday
  • Allow yaa dabbaaldeg iyo farxad kala dul eedaama
  • Fardaha yaa dirkii dhoodi meer doona faraciisa
  • Allow yaa darmaan fartaqaan duqa u kooreeya
  • Allow yaa dulleedada taleex uga damaashaada
  • Dhaaxuu u daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
  • Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye
  • Allow yaa daluuntiyo qabriga dib uga soo saaro
  • In dariiqadii nooshahay dunida soo gaadhey
  • Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray
  • Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega.

1-bishii luulyo sanadkii 1960 waxaa bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqneyd labadii gobal ee gumeystaha laga fara-maroojiyay u bidhaamay madaxbannaani iyo dowladdnimo, waxa ayna caynka u dhuujiyeen Jamhuuriyadii Soomaaliya ee uu hormuudka ka ahaa Allaha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde”AHN iyo Ra’iisalwasaaranana uu ka noqday,AHN mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake, Afhayeenka golaha baarlamaankana waxaa loo doortay, AHN mudane Jaamac Cabdullaahi Qaalib.

Runtii maalintaas waxay inoo tahay maalin xasuus iyo meeqaam gooniya ku suntan.

W/D: DALJIR ABDULLAHI NUUR

Dib u habayn:- Abukar Gobdoon

LEAVE A REPLY