Qaramada Midoobay oo Geska Afrika u qoondeysay $45 Milyan

Qaramada Midoobay oo Geska Afrika u qoondeysay $45 Milyan

SHARE
Women bring their babies for check ups at a MCHN (Mother child health and nutrition centre) centre in Dinsoor, Somalia, on Monday 6th May 2019. The programme aims to treat moderately malnourished children and women. WFP is doing a pre-drought assesment to better understand the situation on the ground. WFP works with partners and authorities in Somalia to provide food assistance to vulnerable households.

Muqdisho.(SONNA)…Hey’adda Isku dubaridka Gaargarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay ayaa lacago gaaraya $45 miyan u qooondeysay Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah CERF si wax looga qabto macluusha iyo abaaraha ku habsaday dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan Dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Kenya.

Dhaqaalaha inta badan oo ah $30 millyan waxaa loo leexin doonaa dalka Soomaaliya ,iyadoo 2.2 million oo dad ah ay bishii Decembar ay soo wajaheen macluul,halka 3.2 millyan la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gurmad bini adanimo.

Qoondada Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah,ayaa lagu waramay in uu kaabaya ama dhaameystiraya dadaalka dowladaha Soomaaliya,Itobiya iyo Kenya ,kuwaas oo lagama maarmaan ah in ay kaalmeeyaan dadka ay la soo derseen macluusha iyo abaaraha,gaar ahaan dadka u liita sida adka ah.

Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga  CERF waxa ay ururada  samofalka u ogolaan doonaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan kaalmada ay u baahan yihiin dadka ay haleeshay abaraha,gaar ahaan dalka Soomaaliya oo la tilmaamay in ay adkaanayaan ama ka sii darayaan xaaladaha.

Roobabkii xilligii bishii Abril iyo Juun oo yaraaday aawadeed ayaa la sheegay in ay sababeen cunto yari keentay macluul,waxaana laga cabsi qabaa in bilaha Oktoobar iyo December ay iyaguna hoos u dhacaan roobabka.

Lacagahaasi ay qoondeeyeen Qaramada Midoobay waxaa la filayaa in lagu iibiyo adeegyada nolosha ee lama huraanka u ah dadka sida cunto,biyo nadiif ah,fayo dhowrka iyo daawooyin.

LEAVE A REPLY