100 kun oo ruux oo  u geeriyootay difaaca Falastiin

100 kun oo ruux oo  u geeriyootay difaaca Falastiin

SHARE

Ramallah- (SONNA)- Xafiiska Xarunta Dhexe ee Falastiiniyiinta ayaa soo saaray warbixin la xiriirta  dib u eegista xaaladda dadka reer Falastiin .

Warbixin ay soo saartay hay’adda Falastiiniyiinta  ayaa lagu soo beegay Sannadguurada 71aad ee kacdoonkii Nakhba,kaas oo ah markii Israel ay qabsatay dhulka Falastiin sanadkii 1948 dii.

Warbxintaa ayaa lagu xusay halgankii ay mudadaasi shacabka falastiin ay u soo galeen iyo daagaaladii xornimo u dirirka ahaa oo ay la galeen Ciidamada Israel

Sidoo kale Tirada shuhadada Falastiin laga soo bilaabo  kacdoonkii Nakhba 1948-dii iyo maanta waxay dhimashada   gaarayaan in ka badan 100 Kun qof, waxaa kaloo jiray 1 milyan oo muwaadiniinta Falastiin oo xarig loo geystay,kuwaad oo  dhulkooda ay xoog ku haysato Israel.

Afhayeen u hadlay Falastiiniyiinta ayaa Waxa uu sharaxay in tirada maxaabiista ee xabsiyada  Israaiil ay gaareen qiyaastii 5700 oo maxaabiis ah dhammaadkii bishii  March 2019-ka  (250 ka mid ahi waxay ahaayeen carruur iyo 47 haween).

Tirada xiritaanka Falastiin waxay gaartay 6,500 sannadkii 2018, oo ay ku jiraan 1,063 carruur iyo 140 haween ah.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Qaxootiga ee Falastiiniyiinta ee Bariga Dhexe (UNRWA), laga bilaabo December waxaa jiray qiyaastii 6.02 milyan oo qaxooti ah, kuwaas oo 28.4% ay ku jiran Xero Qaxooti ah.

Qiyaasahan waxay ka dhigan yihiin tirada ugu yar ee qaxootiga Falastiiniyiinta ah ee aan diiwaangashaneyn , maadaama tiradaasi aysan ku jirin barakacayaasha reer Falastiin  kadib ilaa dagaalkii 1967 oo ay Israel iyo Falastiin.

Dhinaca kale, xogta Tirakoobka Guud ee la sameeyay sanadkii 2017waca ay muujineysaa in dadka iyo guryaha la  burburiyay ama la qabsaday ay ka dhigan tahay 43% tirada guud ee Falastiiniyiinta ee deggan Falastiin. 

LEAVE A REPLY