Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka...

Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib

SHARE

Hor-joogaha la dilay oo magaciisa lagu koobay Maxamed Nuur, ayaa la sheegay in  uu ahaa Hogaamiyaha guud ee amniga maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala deegaanada Maamulka Jubbaland.

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen xarumo muhiim ah oo Argagixisada Al-Shabaab ay ku leeyihiin  degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Duqeynta ayaa waxaa sidoo kale ku nafwaayay tiro ka mida maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa Hor-joogaha la bartilmaameedsaday.

Wararka warbaahinta Qaranku ka heleyso degmada Jilib ayaa sidoo kale sheegaya in ay jiri karto qasaare intaa ka badan oo gaaray Arxanlaawayaasha Al-shabaab maadaama ay shacabka ku amreen in ay ka fogaadeen goobaha lagu duqeeyay.

Ciidamada kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Saaxiibadooda Caalamiga ah ayaa kor dhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan Saldhigyada Maleeshiyaadka  Al-Shabaab ay ku leeyihiin Degmooyinka Ka tirsan gobalka jubbada Dhexe iyo goboladda kale ee Dalkaba.

LEAVE A REPLY