Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Maanta la shiray Shaqalahaa Wasaaradda  Warfaafinta “Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Maanta la shiray Shaqalahaa Wasaaradda  Warfaafinta “Sawirro”

SHARE

Muqdisho-( SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Ujeedada kulanka  ayaa ahayd in Wasiirku Shaqaalaha Wasaaradda u faahfaahiyo  qaabka Tubaha ee dowladdu dooneyso in dalka lagu hogaamiyo iyada oo Wasaarad walba dhankeeda ka qaadanayso qaybta kaga aadan dhaqangalinteeda.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa shaqaalaha qaarkood  ka dhageystay fikradaha ay soo jeediyeen iyo qaabka ay uga qayb qaadan karaan Hormarinta dalka iyada oo la raacayo jiheynta Xukuumadda dalka, lagana wada shaqeeyo siddii dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa firiinta Dowladda

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maareeye waa markii Sedexaad uu Wasiir ka noqdo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna shaqaalaha wasaradda Warfaafinta,Wuxuuna maanata shaqaalaha warbaahinta qaranka u ballan qaaday in aqoontooda kor loo qaadi doono ,dhawaanna loo furi doono macaahid kor loogu qaadayo xirfadooda shaqo.

LEAVE A REPLY