R/wasaaraha Talyaaniga oo ka codsaday General Haftar inuu Ciidamadiisa kala baxo caasimadda...

R/wasaaraha Talyaaniga oo ka codsaday General Haftar inuu Ciidamadiisa kala baxo caasimadda Liibiya

SHARE

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Liibiya Joseph Conte ayaa ugu baaqay Hoggaamiyaha ku soo duulay Caasimadda Dalka Liibiya ee Triboli inuu si dhaqsi ah ciidamadiisa ugala baxo magaaladaasi, isla markaana uu joojiyo weerarada uu ku hayo bariga caasimada Liibiya.

Baaqan ayaa yimid ka gadaal markii uu Joseph Conte uu shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda dalka Talyaaniga ee Roma kadib markii uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar Sheekh Maxamed bin Cabdirahman sida lagu faafiyay Warbaahinta Dowladda ee dalkaasi Talyaaniga.

Dhanka kale wuxuu kaloo sheegay inay Dowladda Taliyaaniga ay bilaabi doonto Talaabo dibolomaasiyadeed ee  oo xal siyaasi ah loogu raadinayo arrimaha ka taagan Liibiya oo ay horseed ka noqonayso Qaraamada Midoobay.

Tan iyo 4-tii bisha  April oo ku beegneyd markii Jeneral Khaliif Haftar weerarka ku soo qaaday Caasimadda Libiya ee Triboli ayaa la soo warinayaa inay ku geeriyoodeen dad gaaraya 147 qof oo Rayid u badan halka 614 kalana ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi ahliga ah, wuxuuna dalkaasi la tacaalayaa dagaal sokeeye laga soo bilaabyo sanadkii 2011-kii ilaa hadda.waxaana ku naf waaye dad aad u fara badan iyo burbur saameyay guud ahaanba dhismayaasha magaalooyinka dalkaasi carbeed ee hodanka ahaa.

LEAVE A REPLY