Ciidanka XDS oo Gobolka Bakool ku laayay Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka XDS oo Gobolka Bakool ku laayay Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab

SHARE

Xuddur-(SONNA)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan gaarsiiyay Malleeshiyo ka mtirsan Kooxda ah Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaddan Fariisin ay Ciidanku ku leeyihiin degaanka Ceel-la heley ee Gobalka Bakool.

G/sare; Warsame Maxamed, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan halka uu dagaalka ka dhacay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in weerarka ay Al-Shabaab kaga dileen Malleeshiyaad badan, iyagoo u firxaday dhinaca degaanka Garas weyne ee Gobolka Bakool.

Taliye Warsame ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan firxadka Al-Shabaab oo uu sheegay in ay qaar ka mid ahaa dhaawacooda oo geeriyoodayna ay Waddada ugu tageen, isagoo u mahad celiyay Shacabka degaannadaas oo kaalin ka geystay guusha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

LEAVE A REPLY