Xubin sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudiga oo ka hor yimid...

Xubin sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudiga oo ka hor yimid bixitaanka ciidanka Mareykanak ee Syria

SHARE

Riyadh(SONNA) Iyadoo Wasiirka arrimaha dibadda ee mareykanka Mike Pompeo uu socdaal ku tagay dalka Sucuudiga,ayaa xubno, ka tirsan qoyska talada haya ee dalkaasi, muujiyay sida ay uga soo horjeedaan qorshaha Mareykanka ah ee ka bixitaanka dalka Syria.

Amiir Turki al-Fayl oo ka tirsan qoyska haya talada dalkaasi Sucuudiga, islamarkaana saameyn weyn ku leh ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo qorshaha, isagoo ku tilmaamaya mid horseedaya in fursado ay u arkaan arintaasi xulufada Iiraan,Ruushka iyo Hogaamiyaha Syria Bishaar al Asad, wuxuuna ka digay in saameyn ay ka dhalan doonto.

Hadalka Bashar wuxuu Imanayaa xili xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka uu booqanayay dalkaasi Sucuudiga,kaasi oo booqday magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sucuudiga si uu ula kulmo madaxda dalkaasi.

Safarka Mike Pompeo oo ahaa mid uu ku marayay wadamada dhaca Bariga Dhexe,ayaa wuxuu isagu horey ula soo kulmay mas’uuliyiinta wadamadii uu booqday oo ay ka mid ahaayeen Ciraaq,Urdun,Baxreyn iyo Masar,wuxuuna Mr Pompeo uu si weyn u dhaliilay dowladaha kale ee caalamka oo uu sheegay in ay iska dhega tireen arrimaha Syri

Dhanka kale Xoghayah arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa u tagay Sucuudiga arrimo la xiriira baaritaanka dilkii Wariye Jamal Khashoggi iyo arinta Syria,Iiraan iyo Colaadda ka taagan Yemen sida ay sheegayaan warbaahinta dalkaasi Mareykanka ka howlgasha qaarkood.

Geesta kale Amiir Turki al-Fayl uu sheegay in bulshada caalamka ay ceeb ku tahay in ay dhabarka u jeediyaan shacabka Suuriya iyo in ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ay xaaladda uga sii darayso.

Donald Jey Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhamaadkii sanadkii tagay ku dhawaaqay in la joogo xiligii ciidamada Mareykanku ay isaga bixi lahaayeen dalkaasi Syria.

 

 

 

LEAVE A REPLY