Ruwanda oo joojisay daawooyinka loo adeegsado caddeynta jiirka Dadka

Ruwanda oo joojisay daawooyinka loo adeegsado caddeynta jiirka Dadka

SHARE

Kigali(SONNA) Saraakiiisha caafimaadka dalka Ruwanda ayaa joojiyay dhamman daawooyinka iyo Kareemka loo adeegsado caddeynta jiirka bini’aadanka.

Kareemka lagu caddeeyo jirka ayaa dhammaan laga faarujiyay Goobaaha ganacsiga ee dalkaasi ,iyadoo dowladda Ruwanda ay xoojineyso mamnuucid nuucyada daawooyinkaasi.

Waxaa jira cabsi ku saabsan in mamnuuciddaasi ay dhiirigeliso in haweenka dalkaasi Ruwanda ay iibsadaan daawooyin iyo Kareem aan nidaamsaneyn oo macmal ah,kaas oo dhalin kara halis ku timaada caafimaadka.

Iibka daawooyinka iyo Kareemka la isku caddeeyo waxaa Qaaaradda Afrika kaga baxda lacago Balaayiin ah.

LEAVE A REPLY