Dawladda Jarmalka oo Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta

Dawladda Jarmalka oo Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta

SHARE

26 Safar, 1440  (SONNA) Dowladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta, taas oo hoos u dhigaysa saamiga dadka shaqo la’aanta ah.

war lagu qoray bogga safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Jarmalka oo ka qaybqaadanaysa dib u kabashada Soomaaliya, iyadoo shan 5-milyan oo Dollar ku bixinayso mashaariic loogu talagalay in lagu hormariyo farsamada gacanta oo dhalinyaro badan ay ka faa’iidaysan doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in la hormarinayo islamarkaana la furayo dugsiyo loogu talo galay Farsamada gacanta, taas oo shaqo abuur u noqon doonta dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaarkood naftooda halis u galiya Tahriibka.

9-kii October ee sanadkan, Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa gaaray laba heshiis oo dhinaca tababarada farsamada gacanta looga caawinayo Soomaaliya iyo kan kale oo ahaa heshiis  ku saabsan dhinaca iskaashiga maaliyadda iyo dowlad wanaaga.

LEAVE A REPLY