Itoobiya oo Maanta dooranaysa Madaxweyne cusub

Itoobiya oo Maanta dooranaysa Madaxweyne cusub

SHARE

Addis Ababa-(SONNA)-Baarlamanka Dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa Maanta oo Khamiis ah inay doortaan Madaxweyne cusub,markii uu ka dhawaajiyay inuu is casilay Madaxweynihii hore,sida ay sheegtay warbaahinta Qaranka Dalkaasi ee FANA.

Kalfadhiga Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalkaasi ayaa la filayaa inay dhagaystaan oo si rasmi ah u aqbalaan is-casilaadda Madaxwaynaha haatan xilka bannaynaya , Mulatu Teshome oo shaqada soo hayay Shantii Sano ee la soo dhaafay.

Ma jirto sabab loo aaneynayo shaqa ka tegidda Madaxweynaha oo kasoo jeeda Qoomiyadda Oromada, balse waxaa loo malaynayaa mid ku salaysan awood qaybisga Dalka oo ka kooban Afarta Xisbi ee ugu waaweyn, kuwaas oo ku bahoobay Magaca EPRDF.

Bishii April ee Sanadkan ayay ahayd markii uu Xisbiga talada Dalka Itoobiya haya ee EPRDF ay Ra’iisul wasaare u doorteen Abiy Axmed Cali, oo isna kasoo jeeda Qoomiyadda Oromada, isaga oo is beddello baaxad leh ka dhaliyay Waddamada Gobolka.

LEAVE A REPLY