Bahda Waxbarashada oo soo Dhaweysay Barnaamijka Dowlada kula wareegeyso Iskuulada waaweyn

Bahda Waxbarashada oo soo Dhaweysay Barnaamijka Dowlada kula wareegeyso Iskuulada waaweyn

SHARE

Muqdisho (SONNA) Aqoonyahanada iyo Ardayda Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay Talaabada ay Dowlada Soomaaliya kula wareegeyso Qaar ka mid ah Iskuulada waa weyn Dalka.

Mid ka mida Macalimiinta Wax ka dhiga Iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sharaxaya Faa’iidooyinka ku jira in Dowlada ay la wareegto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.

“Anigoo ka mid ah Macalimiinta Iskuulka Raage Ugaas waxaan aad iyo aad usoo dhaweynayaa in Dowlada ay la wareegtay Iskuulada, inay Dowlada la wareegto ama la Midowdo Iskuuladaasi waxaa ku jira faa’iidooyin waa weyn waxaa ka mid ah in lasoo saaro Arday Tayo leh oo Dowladana ay ka warheyso Tayadooda”.

Qaar ka mid ah Ardayda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay Talaabooyinka Hormarka u ah Waxbarashada oo Dowlada Federaalka ay wado, iyagoo ku tilmaamay guul usoo hoyatay dhamaan Ardayda Soomaaliyeed in Dowlada ay gacanta ku dhigto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.

Maamulka Iskuulka Raage Ugaas oo sidoo kale nala hadlay ayaa Talaabadan Dowlada qaaday ku tilmaamay mid wanaagsan, iyagoona sheegay inay raali ka yihiin in Dowlada ay la wareegto.

“Arintaas way wanagsan tahay aniga waxaan wax ku bartay Waxbarashadii lacag la’aanta ee Dowlada ka dibna jaamacadii Umadda oo Lacag la’aan aheyd, waxaan ka mid ahay dadka wax ku bartay Waxbarashadii lacag la’aanta ee Dowliga diyaar ayaana u nahay inaan la shaqeyno Dowladeena”.sidaas waxaa yiri Maamulaha Iskuulka Raage Ugaas Cabdi raxmaan Maxamuud Cali

Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhawaan iskuullada Dowladda u qeybisay Buugaagta Manhajka  ee dhawaan ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY