Wafdi ka socda dawladda Suudan oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi ka socda dawladda Suudan oo Muqdisho soo gaaray

SHARE

Muqdisho(SONNA):–Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee dalka Suudaan oo uu hogaaminayay agaasimaha guud ee wasaaradaas Dr Daariq Maxamed Nuur ayaa maanta soo gaaray Muqdisho ,iyadoo Garoonka Diyaaradaha ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa ah qiimaynta heshiisyada horumarinta waxbarashada ee Soomaaliya iyo suudaan ay hore u gaareen sida ay u dhaqan galeen iyo xoojinta calaaqaadka dhinaca waxbarashada ah ee ka dhexeeya labada wadan, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudan ayaa sare u qaadaya iskaashiga dhinaca waxbarashada ah ee ka dhexeeya labada Dal.

LEAVE A REPLY