Diiwaan galinta Musharaxiinta kuraasta aqalka hoose oo Baydhabo ka bilaabanaysa

Diiwaan galinta Musharaxiinta kuraasta aqalka hoose oo Baydhabo ka bilaabanaysa

SHARE

MUQDISHO (SONNA) Guddiga Doorashooyinka Dad badan ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in loo baahanyahay in xubnaha Baarlamaanka u tartamaya ay soo gudbiyaan codsiyadooda.

Seed Cali Abuukar Xuseen Baafo oo ah gudoomiye ku xigeenka Guddiga oo warbaahinta kula Hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay haayaan dhamaanba liisaska ergooyinka ah ee soo dooran doona xubnaha baarlamaanka ee deegaanadaasi ka imaanaya.

Wuxuu sheegay in musharaxiinta u tartamaya kuraasta Baarlamaanka haatan looga baahanyahay inay soo gudbiyaan cosiyadooda sidoo kalana ay soo buuxiyaan shuuradaha laga doonayo.

Magaalada Baydhabo ayaa haatan waxaa si wayn looga dareemayaa Qaban qaabada doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY