“Qormo”:-Xukuumadda Dan-qaran

La wadaag cid kale

SONNA(Muqdisho)Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa 2-dii August shaaciyey liiska golaha wasiirada ee xukuumaddiisa oo uu ugu magac daray“Xukuumadda Dan Qaran”,Ka dib magacaabistoodii, Golaha Xukuumadda Dan Qaran waxaa ay bilaabeen tallaabo naadir
ku ah siyaasada Soomaaliya taas oo ah in xubnahan ay galeen olale xoog leh oo ay kula kulmayaan xubnaha Xildhibaanada ah ee ku matala Baarlamaanka si ay u waydiisteen in ay codka kalsoonida siiyaan marka la hor geeyo Golaha shacabka.

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayay dhismaha golaha xukuumada waxaa ay ku qaadatay 37 maalmood,iyadoo uu ka codsaday  baarlamaanka in ay ugu daraan 10 cisho oo dheeri loogu daro si uu ugu soo dhiso xukuumadda laga dhursugayo.

Golahan ayaa ka kooban Raysalwasaarwe ku-xigeen, 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 24 wasiiru-dowle.  Isku dar waa 76 wasiir marka lagu darro wasiirka kowaad Xamse Cabdi Barre.
Golaha wasiirada cusub ayaa waxaa haween ka ah Saddex Wasiiir,Shan-wasiir dowle iyo Labo wasiir ku xigeen, Golaha wasiirada waxaa Xildhibaano ka ah 14 Mudane, halka inta kale ay san kamid aheen barlamaanka laakiin wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku-xigeenada ayaa badankood ay ka yimaadeen Golaha Shacabka.

Sidoo kale Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa baabi’yay Wasaaradaha qaar halka kuwa kalana uu abuuray.

Waxaa Meesha laga saaray wasaaraddii Gargaarka iyo maareynta  Musiibooyinka waxaana lagu soo kordhiyay wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada oo awal ahayd hay’ad.

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd,waxaana hadda la raaciyey wasaaradda cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurka, waxaana loo magacaabay Xasan Macallin.

Liiska xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen.
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka.
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha.
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga.
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga.
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka.
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta.
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka.
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda. 22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta.
23 – Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha.
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xukuumaddiisa cusub ugu magac bixiyey “xukuumadda Dan Qaran” oo hal kudhiga uga dhigay,Xukuumadda Dan-qaran maxaa horyaalaho oo bulshada ay ka dhursugaysa ansixinta baarlamaanka ka dib?

Dan-qaran waxaa horyaal qodobo ay ka mid yihiin,Abaarta ku dhuftay dalka, Amniga oo ah xaaladda wali dagaal lagula jiro cadowga Al-shabaab,Horumarrinta kaabayaasha dhaqaalah oo horay ay dowladda ugu jirtay Barnaamijka dayn cafiska iyo istaraatiyadda horumarinta siyaasadda iyo xiriirka caalamka oo ay la kowsan doonaan ansixinta iyo dhaarinta ka dib xukuumadda Dan-qaran.

Maanta oo axad ah taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulan weynihii  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya kaas oo uu agandihiisu yahay U codeynta  kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa  Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hortag Muddanayaasha baarlamaanka oo uu ka codsay in ay ansixiyaan Xukuumaddiisa,si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Muddanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay xukumadda cusub ee Dan-qaran ka dib markii uu horgeeyay Ra’iisul wasaare Xamse Barre,fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 237 muddane,229 muddane ayaa ogol ugu codeyay,waxaa diiday 7- muddane kalka u ka amuusay hal muddane.

Guddoomiyah maxkamadda sarre Baashe Yuusuf Axmed  ayaa ku dhaariyay madasha  Xukumadda Cusub ee Soomaaliya.

W/Q: Mohamed Ibrahim salat.

La wadaag cid kale