Masโuuliyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa codsaday in Wasaaradda caafimaadka DFS,dowlad goboleedka Jubbaland iyo qurbo joogta Soomaalida ee ku dhaqan dibadda ay ka qeybqaataan dhismaha cisbitaal weyn oo loo qorsheeyay in laga dhiso gobolka Gedo.
Masuuliyiintaan oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Duniyo Sheekh Axmed,Anfac Xashi Goodir oo kamid ah golaha deegaamka Magaalada Oslo ee Norway iyo maamulka Degmada Dooloow ayaa booqday goobta loo qorsheeyay in laga hirgaliyo cisbitaalkaasi .
Booqashada goobta cisbitaalka oo ay sidoo kale xaadireen oday dhaqameedyo iyo waxgaead kale waxa ay si gaar ah uga dalbadeen Dowladda FS iyo Jubballand inay qeyb libaax ku yeeshaan ย dhismaha cisbitaal oo wax badan u qaban doona dadka deegaanka Gedo.
Dhaqaatiirta waaweyn ee magaca ku leh bulshada dhexdeeda ayaa sidoo kale laga codsaday in ay gacan ku yeeshaan taabagalinta cisbitaalkaasi oo ku fadhiya dhul gaaraya 1050 mitir.