Beijing(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta magaalada Beijing, caasimadda dalka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, kaga qayb-galay munaasabadda sannad-guurada 65-aad ee Xiriirka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa lagu xusay taariikhda dheer iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo diiradda la saaray horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo midka dhaqaale.
Intii uu Wasiirku ku sugnaa magaalada Beijing, wuxuu sidoo kale ka qayb-galay shir-doceed ganacsi oo ay isugu yimaaddeen in ka badan 300 oo shirkado ganacsi ah, kuwaas oo ka kala socday Shiinaha iyo dalal kale. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa halkaas ka jeediyay khudbad muhiim ah oo ku saabsan fursadaha maalgashi ee ballaaran ee ka jira Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan soo jiidashada maalgelinta caalamiga ah.
