Muqdisho(SONNA):-Wasiirka gashaandhiga XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Garoonka Adan Cade ee magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka gaashandhiga dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Wasiirka gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in jihaadka dalka Soomaaliya looga cirirbtirayo argagixisada ay kaalin weyn ka qaadanayaan ciidanka Hiil-walaal ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, isagoo uga mahad celiyey in naftooda ay u soo hureen sidii Soomaaliya Nabad loogu soo dabaali lahaa.
Wasiirka gaashaandhigga Jabuutiย ayaa sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin dagaalka dowladda Soomaliya kula jirto Khawaarijta ee ka socda gobolada dalka.
Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladdaha xubnaha ka ah hawlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta midowga Afrika ATMIS,iyagoo ka hawlgala gobolka Hiiraan.
Dowladdaha Soomaliya iyo jabuuti ayaa leh xiriir qoto dheer kaas oo ku dhisan dhinacyadda dhaqaalaha,Amniga iyo siyaasadda.