Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Sareeye Guud Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta shirar muhiim ah kula yeeshay magaalada Belém wafdiyada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya baahiyaha gaarka ah iyo sinnaanta bulshada, kuwaas oo door muuqda ku leh doodaha ka socda Shirka Isbeddelka Cimilada ee COP30.
Wasiir Bashiir ayaa la kulmay Fardhiya Maxamuud Maxamed, oo ka socota Somali Women Disability Empowerment. Fardhiya waxay hormuud u tahay u-doodista ka mid noqoshada dadka baahiyaha gaarka ah ee howlaha cimilada, iyadoo si joogto ah u difaacda xuquuqda iyo ka-qaybgalka haweenka naafada ah ee Soomaaliya. Waxay xustay in ay ka mid noqoshada dadka baahiyaha gaarka ah ay muhiim u tahay dhismaha mustaqbal cadaalad iyo adkeysi leh.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay Cabdiraxmaan Maxamuud Kulane, oo ah Aas-aasaha UDHAN isla markaana ah Agaasimaha Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed (SAP). Cabdiraxmaan wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka si wayn ugu ololeeya xalal cimiladeed oo la heli karo, la wada isticmaali karo, islamarkaana horseeda sinnaanta bulshada. Doorkiisa hoggaamineed ayaa kor u qaadaya wacyiga ku aaddan ka mid noqoshada bulshada aan haysan awoodda buuxda.
Wasaaradda Deegaanka ayaa muujisay qadarin iyo bogaadin ay u hayso dhammaan wafdiyada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya COP30, gaar ahaan kuwa hawsha adag u haya ka mid noqoshada dadka baahiyaha gaarka ah ee siyaasadaha cimilada ee heer qaran iyo heer caalami ah.
