Muqdisho,(SONNA):- ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐ ๐, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐๐ฐ๐ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐จ๐จ๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ ๐๐จ๐จ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐ฒ ๐ฎ ๐ฅ๐๐๐๐๐ก๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฆ๐๐ซ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐ง๐จ๐ช๐จ๐ญ๐จ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ข๐๐จ๐จ๐๐๐ฒ
Dooddan oo ay soo qaban-qaabisay Machadka Daraasaadka Diblumaasiyadda (IDS) ee Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray doorka Soomaaliya ee xoojinta amniga guud ee Caalamka iyo saameynta ay Soomaaliya ku yeelan karto Golaha Ammaanka.
Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa si qoto dheer u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu fariisatay miiska go’aanada caalamiga ah, Idaho, oo carabka ku adkeeyay in siyaasadda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysay Xiriirka diblomaasiyadda Caalamka.
Wuxuu intaa ku daray in ka qeybgalka Soomaaliya eegoโaannada caalamiga ah ay tahay tallaabo muhiim ah sarrena u qaadeysa sumcadda iyo saameynta Soomaaliya ee masraxa caalamiga ah.
Madasha dood-cilmiyeedka ayaa sidoo kale, waxaaa goobjoog ahaa wasiirka warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Federaalka iyo Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo goobta ka jeediyay hadallo qiimo leh, qirayna in horumar dhanka diblomaasiyadda la sameeyay.