Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabja Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulan wadahadal ah la qaatay madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodu la xiriiro fulinta qorsho howleedyo ku aadan sidii loo heli lahaa wada shaqeyn dhexmarta beeraleyda iyo Dowlad Goboleedyada.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa sheegay in Dowladda ay ka shaqeyneyso sidii beeraleydu ay u heli lahaayeen qalab iyo in laga saacido xagga maalgalinta iyo kahortagga dulinka cayayaanada ee burburiya nuucyada dalagyada.
Socdaalkaan oo ah kii labaad ee madaxda wasaaradda beeraha ay ku tagaan Magaalada beydhabo ayaa loogu magacdaray socdaalka tacbashada beeraha iyo la qabsiga cimilada,iyadoo horay loo soo maray deegaanada Galmudug