Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka
GudahaWararka

Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka

By Kanaava Mohamed
Last updated: November 26, 2024
3 Min Read
Share

Jabuuti(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeyb-galay Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee shalay ka furmay Jabuuti ayaa ka hadlay muhiimadda maalgashiga uu u leeyahay qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

“Haddii sharciyada UN, AU, iyo kuwa kale la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka. Laakiin haddii la dhaqangeliyo iskaashi ku dhisan ilaalinta shuruucdaas, waxa si wadajir ah looga faa’iideysan karaa kheyraadka dabiiciga ah ee kala duwan, sida badda, wabiyada, iyo beeraha, oo dal kastaa leeyahay qeyb u gaar ah” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa soo hadal qaaday dhacdii la xiriirtay xadgudubkii Itoobiya ee shir madaxeedkii ka dhacay Xarunta AU Addis-Abbaba ee dowladda Ethiopia kula kacday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Mar uu Madaxweynaheena H.E. Hassan Sheikh ka qeybgalayay shir ka dhacay Xarunta AU, waxaa lagu sameeyay xadgudub hab-maamuus ah, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Tani waxay muujinaysaa in aan la ixtiraameyn shuruucda iyo hab-dhaqanka caalamiga ah” ayuu yiri Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maalintiisa labaad galay, kaas oo sanadkaan diiradda lagu saarayaa ‘Xoojinta Xasilloonida Gobolka: Muhiimadda u Hoggaansanaanta Iskaashi Ku Salaysan Shuruucda, Ganacsiga, iyo Nabadda Geeska Afrika.’

Madashan ayaa inta ay socota Waxaa lagu soo bandhigi doonaa cilmibaarisyo, dood cilmiyeysan, iyo hadal-jeedinno lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka, xasilloonida, iyo dhaqaalaha Geeska Afrika, xal waarana loogu heli lahaa xiisadaha ka aloolsan gobolka.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa martigelinaya hoggaamiyayaal, aqoonyahanno, cilmibaarayaal, iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga, iyo nabadda Gobolka, kuwaas oo kala yimid deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika iyo daafaha dunida, si ay khibraddooda iyo aqoontooda ugu biiriyaan doodaha iyo aqoon-iswaydaarsiga ka dhacaya madasha.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Tacsiyeeyay Mas’uuliyiin qarax miino lagu dilay

Jowhar (SONNA) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabele Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka…

Wararka
September 14, 2019

Madaxweyne xasan sheekh iyo dhiggiisa uganda oo ka wada hadlay wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Madaxtooyada Uganda kula kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni. Labada…

Wararka
March 20, 2023

Istanbul:Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeybgalay shir khuseeyay arrimaha khayraadka ee dabiiciga ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamad ayaa ka qeyb galay shir ka dhacay Magaalada Istanbul ee…

Gudaha
May 2, 2025

Guddoonka Baarlamaanka JFS oo magacaabay guddi u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka

Muqdisho, (SONNA): Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal…

GudahaWararka
November 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023