Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay ku simaha madaxa Sanduuqa Horumarinta Qatar
    October 13, 2025
    Hawlwadeeno ka tirsan hay’adda Duulista Rayidka oo tababar uga bilowday Tanzania
    October 13, 2025
    Wasiirka Qoyska oo la kulantay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qatar
    October 13, 2025
    Wasiirka Isgaarsiinta oo kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda QM ee Mashaariicda
    October 13, 2025
    MUDANAYAASHA BJFS OO DOORTAY XUBIN KA TIRSAN GUDDIGA DIB U EEGISTA DASTUURKA
    October 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Wakhtiga iyo Masaafadu ma kala Gooyaan Saaxiibbada Dhabta ah sida Shiinaha iyo Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Wakhtiga iyo Masaafadu ma kala Gooyaan Saaxiibbada Dhabta ah sida Shiinaha iyo Soomaaliya
MaqaalladaWararka

Wakhtiga iyo Masaafadu ma kala Gooyaan Saaxiibbada Dhabta ah sida Shiinaha iyo Soomaaliya

By Agaasimaha SONNA
Last updated: October 28, 2021
8 Min Read
Share

Muqdisho, (SONNA)Oct 28, 2021;  Konton sanno ka hor maanta oo kale, dalka Shiinuhu waxa uu dib u soo ceshaday booskiisii xaqa ahaa ee Qaramada Midoobay.Soomaalidu waxa ay ugu farxeen sida shacabka Shiinaha oo kale, waayo Soomaaliya waxay ka mid ahayd 23-ka dal Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay u gudbiyay Qaraar lagu taageerayo Shiinaha, waxayna hore Golaha ugu gudbisay labo codsi oo ay ku garab-siinayso dalka Shiinaha. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay Afrikaan ah  iyo  Muslimka ah ee taageerada u muujiyay Shiinaha xilligaas. Guddoomiye Mao Zedong ayaa yiri, “Walaalaha reer Afrikaan ah ayaa Shiinaha dib ugu celiyay Qaramada Midoobay.” Sidaasi darteed, Soomaaliya waa walaal iyo saaxiib wanaagsan oo uu dalka Shiinuhu leeyahay.

Kow iyo lixdan sanno ka hor, Soomaaliya isla markii ay heshay madax-bannaanida waxa ay xiriir diblomaasiyadeed la yagleeshay Shiinaha, taasi oo Soomaaliya ka dhigaysa dalkii ugu horreeyay Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha.

Muddo 600 oo sanno ka hor ah, bad-mareenkii Shiinaha ee Zheng ayaa yimid Muqdisho, caasimadda Soomaaliya ee hadda. Boqolaal sanno ka hor, qoraallada taariikheed waxa ay muujinayaan in labada dhinac ay ganacsi isweydaarsan jireen, gaar ahaan wakhtigii boqortooyada Tang (618 ilaa 907 A.D.).  Dunidu way isbedeshaa waqti ka dib.Sidaas oo ay tahay, xiriirka soo jireenka ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya waxa uu noqday mid aanay saamayn wakhtiga iyo masaafada. Soomaaliya waxa ay ku taallaa Geeska Afrika iyada oo kumannaan mayl ah ka durugsan Shiinaha oo ku yaalla Bariga Aasiya. Shiinaha iyo Soomaaliyaba waxa ay leeyihiin taariikh fog, waxayna wadagaan duruufo adag oo labadoodaba soo waajahay wakhtiyadii dambe.Dadka Shiinaha, sida Soomaalida oo kale, waa dad hawlkar ah, geesiyaal ah, adkaysi badan isla markaana qalbi wanaagsan, labada dalna waxa ay ka siman yihiin dareenka xooggan ee dal jacaylka ku suntan. Arrimahan ay isaga midka yihiin labada dal ee kala fog waxa ay muujinayaan sidii inay deris is yaqaanna. Sida gabay uu tiriyay abwaan reer Shiine ah ku xusan, “Masaafada dheer ee u dhexaysa saaxiibbada dhabta ahi ma kala goyso”.

Shiinaha iyo Soomaaliyada waxa ay si adag u ilaaliyaan nidaamka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay saldhigga u yahay iyo sidoo kale kala-dambaynta caalamiga ah ee ku salaysan sharciga caalamiga ah. Labada dalka waxa ay qiimeeyaan madaxbannaanida qaran iyo midda dhuleed, waxa ayna iska diidaan faragelinta dibadeed ee arrimahooda gudaha. Labada dhinac waxa ay sidoo kale ilaaliyaan sinnaanta, waxa ay u doodaan caddaaladda, iyaga oo isku garab siiya danaha udub-dhexaadka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha waaweyn ee tabanaya labada dal.  Soomaaliya waxa ay si adag u taageertaa Siyaasadda Midnimada Shiinaha, Shiinuhuna waxa uu si taas lamid ah u ilaaliyaa xuquuqda sharciga ah iyo danaha Soomaaliya iyo dalalka kale ee soo koraya.

Dib ugu laabashada Shiinaha ee Qaramada Midoobay waxa ay la macno tahay in dalalka soo koroya ay markii ugu horraysay cod iyo awoodba ku yeesheen xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sannadkan, Madaxweyne Farmaajo qoraalkii hambalyada ahaa ee uu u diray Madaxweyne Xi Jinping waxa uu Shiinaha ugu hambalyeeyay sannad-guurada aasaaska Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha iyo Maalinta Qaran ee Shiinaha. Waxa uu bogaadiyay horumarka ballaaran ee Shiinuhu ku tallaabsaday iyo doorka ay ka qaateen ilbaxnimada siyaasadeed ee aadanaha. Waxa uu sheegay in Soomaaliya weligeed ay ahaanayso saaxiib uu Shiinuhu leeyahay. Madaxweyne Xi Jinping ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya hambalyada diirran ee uu soo diray.

Bishi Sebtembar, Madaxweyne Xi Jinping waxa uu khudbad muhiim ah ka jeediyay meertada 76aad ee Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay oo uu qaab muuqaal ahaan ah uga qayb-galay. Waxa uu soo jeediyay “Hindise Caalami ah oo Horumarineed”, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dhammaanteen aan u baahannahay in mudnaanta koowaad aan siinno horumarka iyada oo aan dal iyo dad toonna meel cidlo ah lagaga tegayn, lana raacayo nidaam horumarineed oo ay dadku laf-dhabar u yihiin.

Shiinuhu ballanqaadyadiisa waxa uu ku laraa waxqabad dhab ah. Aasaaska xiriirka diblomaasiyadeed ka bacdi, Shiinuhu waxa uu Soomaaliya ka caawiyay dhisidda Tiyaatarka Qaranka, Istaadiyamka Qaranka, Cisbitaalka Banaadir iyo mashaariic kale oo badan kuwaasi oo ilaa maanta la dheefsado. Shiinuhu waxa uu sidoo kale in ka badan 12 koox oo dhakhaatiir ah u soo diray Soomaaliya si ay daryeel caafimaad ugu fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Nasiib darro, Soomaaliya waxa ka qarxay dagaal sokeeye sannadkii 1991, Shiinuhuna waxa uu sii waday dadaallada lagu taageerayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bini’aadannimo, waxbarashada, caafimaadka iyo dhinacyada kale.

Xilligan la joogo, masiibooyinka dabiiciga ah iyo dagaallada sokeeye awgood, in ka badan saddex meelood, hal meel oo dadka Soomaaliyeed kamid ah ayaa u baahan gargaar degdeg ah;shan meelood meelna waa barakaceen.. Gargaar bini’aadannimo oo cusub ayaa dowladda Shiinuhu dhawaan ku wareejisay Soomaaliya iyada oo la gaarsiin doono qaybaha bulshada ee nugul. Sahaydan ayaa timid waqtigii saxda ahaa ee lagu caawin lahaa dadka ku dhibaataysan dalkan.

Labada dal ayaa sidoo kale ka wada shaqeynaya la dagaalanka musiibada COVID-19.Sannadkii la soo dhaafay markii cudurku aadka u faafay, ardayda Soomaaliyeed ee Shiinaha ku nool waxa ay ku biireen isxilqaamayaashii caafimaad ee magaalada Wuhan ee Shiinaha iyaga oo muwaaddiniinta ku garab siiyay la dagaalanka cudurka. Sidoo kale, bishii Abriil ee sannadkan, dowladda Shiinuhu wax ay ugu deeqday Soomaaliya labo boqol oo kun oo tallaalka cudurka COVID-19 ah.

Waqti aan fogayn ka hor, cirbixiyeen reer Shiine ah oo lagu magcaabo Tang Hongbo ayaa sawir ka soo qaaday hawada sare kaasi oo muujinaya khariiradda Soomaaliya. Waa sawir micne u samaynaya dad badan. Sannadihii la soo dhaafay, waloow ay jireen caqabado xooggan, haddana dadka Soomaaliyeed waxa sameeyeen dadaallo joogto ah iyaga oo taageero xooggan ka helaya caalamka, Soomaaliyana waxa ay xaqiijisay horumar fiican oo ku aaddan dib u dhiska iyo soo celinta nabadda.

Soomaaliya waxa ay caan ku tahay inay leedahay tirada ugu badan ee geela adduunka iyo mooska ugu macaan caalamka, waxayna leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, iyada oo qani ku ah kalluun iyo khayraad macdaneed oo badan. Sidaasi awgeed, iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya waxa uu leeyahay fursad weyn iyo mustaqbal ifaya.

Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho oo dhisiddiisa ay Soomaaliya ku taageertay dowladda Shiinaha waxa dhawaan lagu soo bandhigay filimkii ugu horreeyay 30 sanno ka bacdi. Dadka qaar ayaa bandhigga ku sifeeyay habeen taariikhi ah oo muujinaya rajada u soo laabatay Soomaaliya sannado caqabado badan watay ka dib.

Dadka Shiinaha iyo shacabka Soomaaliyeed haddii ay gacmaha isqabsadaan si ay u dhisaan mustaqbal wanaagsan oo ay wadaagaan aadanaha oo dhan, waxa hubaal ah in markabka saaxiibtinnimada labada dal uu ka gudbi doono mawjado badan, labada waddanna uu u beryi doono waa cusub oo ay labada shacabba si wadajir ah uga dheefi doonaan.

W/Q: Mudane Fei Shengchao

Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay ku simaha madaxa Sanduuqa Horumarinta Qatar

Dooxa (SONNA): Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur,…

October 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay kulan ka dhan ah Argagixisada+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Kulan looga hadlay isu diyaarinta howl-gallo ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada kooxaha Argagaxisadu ay Shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan, ayaa lagu…

Wararka
February 19, 2020

Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan 306 milyan

Muqdisho (SONNA)-Heshiiskaan oo dowladda Faransiisku Soomaaliya uga cafisay 306 milyan oo dolarka marekanka ah ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday…

Wararka
November 26, 2020

Sii hayaha Wasiirka Gargaarka XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu hugaaminayo sii hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka soomaliya mudane, Xamsa siciid xamsa ayaa manta gaaray caasimada…

Wararka
August 26, 2020

Xogihii ugu dambeeyay goobaha ciidanka Qaranku ku wajahayaan Khawaarijta (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Argagixisada dhibaatada adag ku haysay dalka muddooyinkan waxay wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay howlgallada socda oo ay iska…

Maqaallada
April 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023