Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: TURKSOM kaalin intee ah ayeey ka qaateen dhismaha ciidanka dalka?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > TURKSOM kaalin intee ah ayeey ka qaateen dhismaha ciidanka dalka?
Gudaha

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ka qaateen dhismaha ciidanka dalka?

By Kulane
Last updated: October 10, 2025
3 Min Read
Share

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan   ee ay siinayaan ciidamada Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan amniga dalka iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Sida laga soo xigtay Anadolu Agency (AA), Turkiye waxay go’aansatay in la dhiso ciidan ka howlgala Somalia ,iyada oo la raacayo heshiiskii qaab-dhismeedka Ankara iyo Muqdisho ee 2010, Heshiiskii Iskaashiga Military ee 2012, kii 2014 ee Hab-maamuuska ciidamada howlgallada , Go’aankii Golaha Hawlgelinta Turkiga ee 20-aad iyo kii Golaha Wasiirada ee 2017.

Ciidamada Turkiga waxa ay gacan ka geysteen howlo ay ka mid yihiin abaabulka, waxbarashada, kaabayaasha militariga, hagaajinta nidaamka saadka , taageerada iyo sidoo kale caawinta hey’adaha dowladda.

Taliska Dugsiga Militariga, ee Turkisom waxa ay ardayda Soomaalida ay siiyaan tababaro wax ku ool ah iyo fursado shaqo barasho oo ay u sii dheer tahay tan militariga, tacliinta, aasaasiga ah iyo waxbarasho xagga jir dhiska ah.

Turkiga, oo xubin ka ah NATO, wuxuu xiriir dhow la leeyahay Soomaaliya, isagoo u adeegaya saaxiibka dhaqaalaha aasaasiga ah, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, waxbarashada iyo caafimaadka iyo sidoo kale iskaashiga milatari.

Ciidanka Turkiga ayaa sidoo kale ka howlgala Saldhigga ugu weyn iyo xarunta tababarka ee ay ku leeyihiin Soomaaliya, waxaana la sheegay in lagu tababaray in ka badan 5,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya,halka la tilmaamay in ay jiraan askar Soomaali ah oo tababar ciidan ku qaatay Turkiga.

Iyadoo la taageerayo dhismaha iyo horumarinta ciidamada qaranka Soomaaliyeed TURKSOM waxa ay wadashaqeyn heer sare ah la lleeyihiin madaxtooyada, wasaaradda gaashaandhigga, taliyaha guud ee ciidanka iyo taliyeyaasha ciidamada maamul goboledyada.

Marka laga soo tago Turkiga, QM, Mareykanka, Imaaraadka, Taliska Afrika, U.K., Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM) iyo dhowr hay’adood oo aan dowli ahayn ayaa ka hawlgala Soomaaliya.

Sidoo kale,ciidamo ka kooban cutubyo militari oo ka kala socda Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa sii wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo xilligaan gaaraya 11,467 askari.

Gabagabadii ciidanka TURKSOM waxa ay kaalin muhiim ah ka qaateen dhismaha ciidanka dalka iyo dib u dhiska dalka,gaar ahaan kor u qaadidda kaabayaasha lagama maarmaanka u ah hey’adaha dowladda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.

Muqdisho-SONNA-Mudane Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa soo dhaweeyay ansixinta ugu dambeysa…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga doorashooyinka oo qabtay kulan looga hadlayo dardar gelinta Diiwaangelinta

Muqdisho(SONNA):-Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dooraashooyinka Qaran iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ka qayb-galay kulan lagu dardar-galinaayey howlaha diiwaan-gelinta…

GudahaWararka
May 2, 2025

Ciidanka Xoogga dalka oo hawlgalo ka fuliyay gobolka Bakool.

SONNA (MUQDISHO)- Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Guutada 9aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa hawlgal ka fuliyay deegaano ay maleeshiyada…

GudahaWararka
June 13, 2021

Guddoomiye Madaale oo Duqa Doha kala hadlay dib u cosbooneysiinta heshiiska mataaneynta Muqdisho & Doha

Doha (SONNA):- Guddoomiyaha goobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka…

CaalamkaGudahaWararka
December 11, 2023

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Dodoma (SONNA): Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya uga qaybgalay…

GudahaWararka
November 3, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023