Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliyeed qeybtii 6-aad(MAQAAL)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliyeed qeybtii 6-aad(MAQAAL)
GudahaMaqaalladaWaxbarashada

Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliyeed qeybtii 6-aad(MAQAAL)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 3, 2023
7 Min Read
Share

Nasiib darro waxay ahayd bilowdgii dhibaatada, Xasan Sheekh ayaa noqday u dhaqdhaaqe bulshada rayidka ah isaga oo adeegsanaya hab diploomaasiyadeedkiisa dabacsan ayuu dhexdhexaadinyay hoggaamiye kooxeedyadii Magaaladii u qeybiyay aagag dirirsan, waxay ahayd shaqo halisteeda leh, iyadoo qaar ka mid ahaa shaqa-wadaagiisa ayaa la dilay. Waxa uu aad u xasuustaa dhacdo isaga ku dhacday maalin, sannadkii 1998-kii markii koox Maleeyshiyaad ah ay ku amreen in uu galo irid furan oo uu ag marayay, wuxuuna gudaha ku arkay meyd dhulka yaalla, isagoo markii hore u qaatay qof jiifa, waxayna ka Maleyshiyaadkii ka qaateen waxa uu watay, balse Xasan Sheekh way iska sii daayeen markii ay ogaadeen inay isku qabiil yihiin.

Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si weyn u soo shaac baxay sanadkii 2000, markii uu asaasay Jaamacad gaar loo leeyahay, sidoo kalena uu noqday hoggaamiyaha dhabta ah ee ururka bulshada rayidka ah,  kuwaasi oo buuxiyay qeybo ka mid ah booskii ay ka baxday dawladdii burburtay ee ku aadan dhinaca Waxbarashada.

Dr; Xasan Shiikh Maxamuud muddo xileedkiisii hore ayaa waxa uu unkay Barnaamij ama Mashruuc la magac baxay AADA DUGSIYADA (GO TO SCHOOL), taasi oo ku aadaneyd bilowgii sanadkii 2013-kii, waxaana dib loo bilaabay Waxbarsho lacag la’aan ah ama Bilaash ah, waxaana soo noolaaday rajadii ay danyartu u qabeen inay Ubadkooda u helaan waxbarasho, balse nasiib darro ma sii socon Barnaamijkaasi, waxa uuna la tagay Muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Shiikh, micnaa lama sii dhaqaajin markii uu xilka Madaxtanimada la wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilaa waqtigaasi waxaa hadba sii kordhayay tirada Dugsiyada iyo Jaamacadaha Dalka iyo waliba Ardeyda, “waxaana hadda tirada Dugsiyada Gobolka Banaadir gaarayaan 600 Dugsi, 25 Dugsi oo ka  mid ahna waxaa gacanta ku haya Dowladda, iyadoo dhinaca Jaamacadahana lagu sheegay in ku dhow yihiin 100 Jaamacadood, waxaana xusid mudan in Jaamacaddii ugu horreysay ee laga furo Gobolka Babaadir ay aheyd Jaamacadda Muqdisho, taasi oo la furay sanadkii 1997-kii, dhinaca kalena Dugsiyadii ugu horreeyay ayaa ahaa  Dugsiga Umul qura oo ku yaala Degmada Boondhere, kaasi oo Manhajkiisu ahaa Luuqadda afka Carabiga, waxaana fursad helay Xertii iyo ardey kale, waxaana haddana xigay inay abuurmaan  dugsiyo gaar loo leeyahay oo dhammaantood aahaa kuwo Afka Carabiga lagu barto”, sidaasi waxaa Wakaalada wararka ee SONNA la wadaagay Ustaad Axmed Nuur Maxamed Dhaaleey.

“ waxaa haddana xigay in Waxbarashada Luuqadda Afka Ingriiska ah inay ka bilowdaan Magaalada Muqdisho, taasi oo Waxbarashada lagu qaadanayo Luuqadda English 2014-15-kii, waxaana lagu bilaabay Dugsiga  Al mathal, sidaasi ayay u fidday Tacliinta Gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in Ardeydii ka baxayay Dugsiyadaasi ay shaqo abuur u noqotay oo ay Macallimiin ka noqdeen Dugsiyadii sii badanayay”, ayuu sii raaciyay Ustaad Axmed Nuur Maxamed dhaaleey.

MUDNAAN MACALLIN BAA LEH

Mar haddii aan ka hadalnay Waxbarashada dalka xilliyo kala duwan waxaa lagama maarmaan ah in aan xusno kaalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ah mishiinka saldhigga u ahaa xilliyadaas kala duwan ee aan soo xusnay, nasiib darrese aan helin maamuus dhab ah oo u dhigma shaqada uu u hayo bulshadiisa, hase yeeshaa baraha Soomaaliyeed waa mid ma daale ah oo oo ku mashquushan horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa., ayaa waxaa dhawaan ay Wasaaradda Waxabarashada XDS ay qaadatay 3.000 Macallin, kuwaasi oo lagu wado inay sanad-dugsiyadka soo socda ay ka howlgalaan Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax C/qaadir ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shir 3- cisho ah oo u socday madax ka kala socday guddigga wadatashiga waxbarashada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kaasi oo socday intii u dhaxeysay 20-22-kii,waxaa ka qeybgalay madaxda wasaaradaha waxbarasho ee dalka ,iyadoo mudadii uu socday looga hadlay qodobbo badan oo la xiriiray xagga waxbarashada.

Shirkaasi waxaa gabagabdii laga soo saaray warmuriyeed wadajir ah,sida uu shaaca ka qaaday Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada XFS Ismaaciil Yuusuf Cismaan, waxaana laga soo saaray Qodobada war murtiyeedkaan waxaa kamid ahaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada waxbarasho ee dalka.

1-La aburo jawi iskaashi oo lagu hormarinaayo tayada waxbarashada. 2-La sameeyo madal la isku dhaafsado aqoonta waxbarasho.3-Ahmiyad la siiyo dugsiyada qur’aanka. 4-dib loo furi 12 dugsi oo farsamada gacanta ah,kuwaas oo ku taalla gudaha dalka.5-La sameeyo olole waxbaraso ,gaar ahaan deegaanada laga laga xoreeyo kooxaha argagixisada.6-Iyo in la meeleeyo macalimintii Waxbarashada ee dhowaan ku guuleystay imtixaankii Macalinimada dugsiyada.

Dowladda Hadda Talada heysa inta badan waxay ka mid yihiin bahda Waxbarashada Dalka dib u soo looleynteeda Bud-dhigga ama aas aaska u ahaa, waxaana ka mid ah Madaxweynaha JFS, Raiisul-wasaaraha XFS, Wasiirka Waxbarashada XFS iyo kuwo kale, “Waxaan ogahay sida tacliintu u baabi’in karto saboolnimada. Waxaan ku soo koray deegaan yar oo miyiga ku yaal. Markii uu geeriyooday aabahay, hooyaday waxay caqabad wayn kala kulantay sidii ay ku xaqiijin laheyd inaan waxbarasho helo. Walow aysan awoodin inay wax akhriso, waxay haddana si joogto ah u hubin jirtay shaqo-guriga (layli) la i soo siiyay iyadoo eegi jirtay haddii wax calaamad casaan ahi ka muuqato. Hal-adayggeeda awgiis, waxaan awood u yeeshay inaan gacan ka gaysto dhisidda mid ka mid ah hay’adaha tacliineed ee dalka ugu wayn. Fursad taas la mid ah ayaan u doonayaa dhammaan carruurta Soomaaliyeed”. Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: xasan Shiikh Maxamuud.

Sababtaas awgeed, dowladdayda waxay durba billowday olole ballaaran oo Macallin-qoris ah, kaas oo higsanaya in 10,000 oo Macallimiin ah lagu biiriyo nidaamka waxbarasho ee dalka, iyadoo 20 boqolkiiba ay noqon doonaan hablo macallimiin ah. Durba, waxaan qornay 3,000 oo macallimiin, kuwaais oo haatan tababar ku jira, lana filaayo inay howlaha waxbarashada ka bilaabaan Dalka dhawaan.

DHAMMAAD.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wakiilka Bankiga adduunka ee Soomaaliya oo booqatay xarunta lagu diyaarinayo qorshaha isbadalka Qaranka

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo ay wehliso Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson  ayaa…

GudahaWararka
November 27, 2024

Guddiga Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la xisaabtanka Hay'adaha Dawladda ee Golaha Shacabka ayaa xafiiskiisa xarunta guddoonka iyo guddiyada…

GudahaWararka
October 29, 2025

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khudbad ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaran…

GudahaWararka
May 27, 2021

Guddoomiye Ku xigeenka Bankiga Dhexe oo sheegay in adeegyada uu bixiyo Bankiga Dhexe la gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye Ku xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali ayaa ka warbixiyay furitaanka laanta Bankiga Dhexe uu…

GudahaWararka
August 13, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023