Nasiib darro waxay ahayd bilowdgii dhibaatada, Xasan Sheekh ayaa noqday u dhaqdhaaqe bulshada rayidka ah isaga oo adeegsanaya hab diploomaasiyadeedkiisa dabacsan ayuu dhexdhexaadinyay hoggaamiye kooxeedyadii Magaaladii u qeybiyay aagag dirirsan, waxay ahayd shaqo halisteeda leh, iyadoo qaar ka mid ahaa shaqa-wadaagiisa ayaa la dilay. Waxa uu aad u xasuustaa dhacdo isaga ku dhacday maalin, sannadkii 1998-kii markii koox Maleeyshiyaad ah ay ku amreen in uu galo irid furan oo uu ag marayay, wuxuuna gudaha ku arkay meyd dhulka yaalla, isagoo markii hore u qaatay qof jiifa, waxayna ka Maleyshiyaadkii ka qaateen waxa uu watay, balse Xasan Sheekh way iska sii daayeen markii ay ogaadeen inay isku qabiil yihiin.
Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si weyn u soo shaac baxay sanadkii 2000, markii uu asaasay Jaamacad gaar loo leeyahay, sidoo kalena uu noqday hoggaamiyaha dhabta ah ee ururka bulshada rayidka ah, kuwaasi oo buuxiyay qeybo ka mid ah booskii ay ka baxday dawladdii burburtay ee ku aadan dhinaca Waxbarashada.
Dr; Xasan Shiikh Maxamuud muddo xileedkiisii hore ayaa waxa uu unkay Barnaamij ama Mashruuc la magac baxay AADA DUGSIYADA (GO TO SCHOOL), taasi oo ku aadaneyd bilowgii sanadkii 2013-kii, waxaana dib loo bilaabay Waxbarsho lacag la’aan ah ama Bilaash ah, waxaana soo noolaaday rajadii ay danyartu u qabeen inay Ubadkooda u helaan waxbarasho, balse nasiib darro ma sii socon Barnaamijkaasi, waxa uuna la tagay Muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Shiikh, micnaa lama sii dhaqaajin markii uu xilka Madaxtanimada la wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ilaa waqtigaasi waxaa hadba sii kordhayay tirada Dugsiyada iyo Jaamacadaha Dalka iyo waliba Ardeyda, “waxaana hadda tirada Dugsiyada Gobolka Banaadir gaarayaan 600 Dugsi, 25 Dugsi oo ka mid ahna waxaa gacanta ku haya Dowladda, iyadoo dhinaca Jaamacadahana lagu sheegay in ku dhow yihiin 100 Jaamacadood, waxaana xusid mudan in Jaamacaddii ugu horreysay ee laga furo Gobolka Babaadir ay aheyd Jaamacadda Muqdisho, taasi oo la furay sanadkii 1997-kii, dhinaca kalena Dugsiyadii ugu horreeyay ayaa ahaa Dugsiga Umul qura oo ku yaala Degmada Boondhere, kaasi oo Manhajkiisu ahaa Luuqadda afka Carabiga, waxaana fursad helay Xertii iyo ardey kale, waxaana haddana xigay inay abuurmaan dugsiyo gaar loo leeyahay oo dhammaantood aahaa kuwo Afka Carabiga lagu barto”, sidaasi waxaa Wakaalada wararka ee SONNA la wadaagay Ustaad Axmed Nuur Maxamed Dhaaleey.
“ waxaa haddana xigay in Waxbarashada Luuqadda Afka Ingriiska ah inay ka bilowdaan Magaalada Muqdisho, taasi oo Waxbarashada lagu qaadanayo Luuqadda English 2014-15-kii, waxaana lagu bilaabay Dugsiga Al mathal, sidaasi ayay u fidday Tacliinta Gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in Ardeydii ka baxayay Dugsiyadaasi ay shaqo abuur u noqotay oo ay Macallimiin ka noqdeen Dugsiyadii sii badanayay”, ayuu sii raaciyay Ustaad Axmed Nuur Maxamed dhaaleey.
MUDNAAN MACALLIN BAA LEH
Mar haddii aan ka hadalnay Waxbarashada dalka xilliyo kala duwan waxaa lagama maarmaan ah in aan xusno kaalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ah mishiinka saldhigga u ahaa xilliyadaas kala duwan ee aan soo xusnay, nasiib darrese aan helin maamuus dhab ah oo u dhigma shaqada uu u hayo bulshadiisa, hase yeeshaa baraha Soomaaliyeed waa mid ma daale ah oo oo ku mashquushan horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa., ayaa waxaa dhawaan ay Wasaaradda Waxabarashada XDS ay qaadatay 3.000 Macallin, kuwaasi oo lagu wado inay sanad-dugsiyadka soo socda ay ka howlgalaan Dugsiyada Gobolka Banaadir.
Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax C/qaadir ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shir 3- cisho ah oo u socday madax ka kala socday guddigga wadatashiga waxbarashada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kaasi oo socday intii u dhaxeysay 20-22-kii,waxaa ka qeybgalay madaxda wasaaradaha waxbarasho ee dalka ,iyadoo mudadii uu socday looga hadlay qodobbo badan oo la xiriiray xagga waxbarashada.
Shirkaasi waxaa gabagabdii laga soo saaray warmuriyeed wadajir ah,sida uu shaaca ka qaaday Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada XFS Ismaaciil Yuusuf Cismaan, waxaana laga soo saaray Qodobada war murtiyeedkaan waxaa kamid ahaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada waxbarasho ee dalka.
1-La aburo jawi iskaashi oo lagu hormarinaayo tayada waxbarashada. 2-La sameeyo madal la isku dhaafsado aqoonta waxbarasho.3-Ahmiyad la siiyo dugsiyada qur’aanka. 4-dib loo furi 12 dugsi oo farsamada gacanta ah,kuwaas oo ku taalla gudaha dalka.5-La sameeyo olole waxbaraso ,gaar ahaan deegaanada laga laga xoreeyo kooxaha argagixisada.6-Iyo in la meeleeyo macalimintii Waxbarashada ee dhowaan ku guuleystay imtixaankii Macalinimada dugsiyada.
Dowladda Hadda Talada heysa inta badan waxay ka mid yihiin bahda Waxbarashada Dalka dib u soo looleynteeda Bud-dhigga ama aas aaska u ahaa, waxaana ka mid ah Madaxweynaha JFS, Raiisul-wasaaraha XFS, Wasiirka Waxbarashada XFS iyo kuwo kale, “Waxaan ogahay sida tacliintu u baabi’in karto saboolnimada. Waxaan ku soo koray deegaan yar oo miyiga ku yaal. Markii uu geeriyooday aabahay, hooyaday waxay caqabad wayn kala kulantay sidii ay ku xaqiijin laheyd inaan waxbarasho helo. Walow aysan awoodin inay wax akhriso, waxay haddana si joogto ah u hubin jirtay shaqo-guriga (layli) la i soo siiyay iyadoo eegi jirtay haddii wax calaamad casaan ahi ka muuqato. Hal-adayggeeda awgiis, waxaan awood u yeeshay inaan gacan ka gaysto dhisidda mid ka mid ah hay’adaha tacliineed ee dalka ugu wayn. Fursad taas la mid ah ayaan u doonayaa dhammaan carruurta Soomaaliyeed”. Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: xasan Shiikh Maxamuud.
Sababtaas awgeed, dowladdayda waxay durba billowday olole ballaaran oo Macallin-qoris ah, kaas oo higsanaya in 10,000 oo Macallimiin ah lagu biiriyo nidaamka waxbarasho ee dalka, iyadoo 20 boqolkiiba ay noqon doonaan hablo macallimiin ah. Durba, waxaan qornay 3,000 oo macallimiin, kuwaais oo haatan tababar ku jira, lana filaayo inay howlaha waxbarashada ka bilaabaan Dalka dhawaan.
DHAMMAAD.