Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Sidee ugu baxay Al-shaab magaca ah Khawaarita? (WARBXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Sidee ugu baxay Al-shaab magaca ah Khawaarita? (WARBXIN)
GudahaMaqaallada

Sidee ugu baxay Al-shaab magaca ah Khawaarita? (WARBXIN)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
9 Min Read
Share

Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa waxay yihiin Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Diinta Islaamka oo aan caqiido ku saleysneyn, waxaana lagu tilmaamay in Soomaalida laga soo gali karo laba Irdood oo kala ah Qabiilka iyo Diinta ayay waxay u soo huwadeen Buste ay ku sheegeen inay wadaan Diin, Ilaah fadligiis maanta waxay wada garteen Ummaddea Soomaaliyeed inay yihiin Burcad meel wada fadhida, waxaana dhab ah in lagu  kacay loona istaagay iska dhicintooda.

Waxaa jirta in dagaal-siyaasaddii ku aadaneyd Kooxda Shabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay ay ku saleysneyd laba qodob, kuwaasi oo kala ah Midka 1-aad. Yaysan ku sii fidin dalalka Deriska la ah Soomaaliya iyo dalal kaleba oo meeshooda ha lagu haayo, qodobka 2-aad  ayaa ahaa, Shabaab awoodooda ha la dhimo, ha lagu qasbo inay gambadaan, lana bar-tilmaameydsado horjoogayaashooda, Warshadaha ay ku sameeyaan Qaraxyada iyo Goobahooda Ciidan, labadaasi arrimood waxay ahaayeen kuwo ku aadan hal dhinac oo ah Militari ahaan,balse doodo iyo falanqeyn  oo Dalka gudahiisa iyo dibadiisa lagu kala qabtay kadib, waxaan isla gartay siyaasad lagu wajihi karo Kooxda Khawaarijta ah, waxayna ku taagan tahay dagaal seddex waji leh ama tiir oo kala ah Midka militariga, kan Fikirka ama Caqiidada iyo kan 3-aad oo ah in lagala diriro dhanka Dhaqaalaha, arrimahaasi ayaa haatan ka socda Dalka.

Dhinacyada Militariga iyo kan Dhaaalaha waa uu shaqeeyay, waxaa tusaale cad u ah sida Kooxda looga xoreeya Gobollo, degmooyin iyo Deegaanno ka tirsan Gobolada Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo Galgudud, waxaana ugu dambeeyay Deegaanka Ballaaran ee Masagawaa oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud, Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud, halkaas oo muddo badan ay argagixisada shacabka ku dhibaateyn jireen.

Generaal Cali Caraale Cosoble Gacmo Duulle oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in ciidanka huwanta ah ay gudaha u galeen degmada Masagawaa ka dib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay, waxayna Maleeshiyadii Khawaarijta aa isaga cararay degmada, iyadoo ciidamada ay ku sii daba jiraan firxadka Khawaarijta, “ Ciidamada dowladda ayaa weerarray degmada, cadowga waa carareen hadda firxadkooda ayuu ciidanka sii daba socdaa, magaalana waa amniga oo ciidanka ayaa gudaha ku sugan,” ayuu yiri Generaal Gacma Duulle.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay guulaha laga gaaray 7-dii bilood ee lasoo dhaafay halganka dib u xoreynta dalka, wuxuuna sheegay in guul ballaaran laga gaaray dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta, isla markaasna Shacabka Soomaaliyeed u istaageen dib u xorreynta dalka, wuxuuna intaasi raaciyay “Hiigsiga sanadka 2023-ka uu noqon doona sanadkii dalka xoroobi lahaa, dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu socdo qorshaha ay Dowladda Soomaaliyeed kula wareegeyso guud ahaan Amniga dalka ugu dambeyn bisha Decembar sannadka 2024-ka, isla markaasna dalka uga bixayaan Ciidamada Howlgalka ATMIS, wuxuuna hadaladaasi jeeday mar uu kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka ku soo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qeyb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib u soo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheikh, wuxuuna hadal Madaxweunaha ku soo aadayaa mar Ciidamada xoogga dalka ay ku guuleysteen in ay Khawaarijta Al-shabaab ka tir tiraan gobolka Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, iyagoo hadda u gudbay Gobolka Galgaduud oo maleeshiyada firxad ah ay ku dhuumaaleysanayaan meelo ka mid ee Deegaannadaasi, Muuqaalkan ciidanka gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hadalka Madaxweynaha intaba waxaa ka muuqda ifafaale qaran oo aad u weyn, Soomaaliya dib u curatay, dib u kabtay, dib lugaheeda isugu taagtay, dunidana saameyn ku leh ayaa ii bidhaantay.

Haddaba Guulahaasi waxaa barbar socday Dagaalka Dhinaca Fikirka ah ama Wacyigalinta, taasi oo ay Culumada Soomaaliyeed ku kala qabteen Dalka Gudahiisa iyo Dibaddiisaba, waxaana kii ugu horreeyay lagu qabtay Magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 24-kii ilaa 29-kii bishii Oktoober sanadkii tegay, waxaana laga soo saaray bayaan uu ka mid ahaa qodob magac loogu bixinaayay Kooxda iyo qodobo kale , wuxuuna u qornaa sidan:-

Bayaanka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay ka soo saartay Shirkii ay u qabatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed 24-kii ilaa 29-kii bishii Okoober ee sanadkii tegay, marka iyadoo ka fulineysa awaamirta Madaxa Qaranka oo ku aadan la dagaalanka Kooxda isku magacawday Al-shabaab ee Maataleyska ah ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, tixgalineysana Bayaankii ka soo baxay shirkii Culimada Soomaaliyeed, maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Maamul-goboleedyada Dalka ee socday muddadii u dhaxeysay 24-kii ilaa 29-kii bishii Oktoober ee sanadkii tegay ee ay soo agaasintay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS, waxay ka soo saartay Qodobo ka kooban 5 qodob, waxayna kala yihiin:-

  1. Wasaaradda iyadoo adkeyneysa Bayaankii Shirkii 24-29 bishii Oktoober ee sanadkii 2022-kii, waxay reebtay in kooxda Khawaarijta ee ka dagaalanta Soomaaliya loogu yeero magaca ah Khawaarij.
  2. Wasaaraddu waxay reebtay Faafinta afkaarta Khawaarijta ee ku salysan kaligii Muslinnimada, dilka, is dilka iyo naftii halignimada salnna aan ku laheyn Diinteenna Islaamka ee Xaniifka ah.
  3. Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimada Soomaaliyeed la macaamilka iyo aadista Kooxdaasi Khawaarijta ah, maadaama la macaamilkoodu yahay fal dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helana lala tiigsan doono Sharciga.
  4. Wasaaraddu waxay bogaadineysaa dadaalada ay Culumada Soomaaliyeed ku bayaaninayaan jidka toosan ee ay Diinta Xaniifka ah inoo jideysay.
  5. Wasaaradda waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay isku kaalmeystaan wanaagga, qaataanna waajibaadkooda ku aadan taageeridda gulufka Dowladda ee ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacbka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo jira Shir ay Culimada Soomaaliyeed ku qabteen Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kaasi oo ah mid lagu sii kabayay ama lagu sii ayidayay Shirkaasi hore ee lagu qabtay Muqdisho, Waajibnimada Jihaadka lagula jiro Khawaarijta, waaana ka soo muuqday Culumadaan Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Mashaaikhda halkaan ay ka mid yihiin1- Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil haaruun.2- sh Cabdirashiid Sh Cali Suufi 3- Sh Bashiir Axmed Salaad 4- Sh Maxed Idiris.5- Sh Maxed Dirir 6-  Sh Abuu Shaybah iyo Culumo kale oo aad u waawayn ahna kuwa ugu Xeesha dheer aqoonta Diinta Islaamka gaar ahaan Geeska Afrika, waxa ay cadeeyeen waajibnimada Jihaadka lagula Jiro Khawaarijta, waxayna culumadaasi ay aad uaga hadleen hab dhaqameedka Kooxda oo ay ku sheegeen mid aan waafaqsaneyn Diinta Islaamka, iyagoo caddeeyay in ay mudan yihiin la iska dhiciyo.

Haddaba isku soo wada xooriyoo Kooxda waxa uu ugu baxay Magaca Khawaarijta ayaa ah inay Diinta bannaanka ka yihiin, taasoo lagu sifeeyay sida ay kaligood Diinta isugu koobeen, inta kalena ay ka saaraan, sidaasi awgeed ayaa ah sababta Culimada Soomaaliyeed ay ugu bixiyeen Magaca KHAWAARRIJTA.

Qallinka: C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kulan kula qaatay Taliska CXD iyo howgalka AFRICOM ee Soomaaliya

Muqdisho, (SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I…

GudahaWararka
October 23, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh “2023 waa sannadkii dib u xorreynta dalka”

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay guulaha laga gaaray 7-dii bilood…

GudahaWararka
January 1, 2023

R/wasaaraha XFS oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda

Muqdisho,(SONNA):- Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS…

GudahaWararka
October 6, 2025

Adeegyada caafimaad oo gabaabsi ka ah Isbitaalka magaalada Mekelle ee dalka Itoobiya

Adis-Ababa-(SONNA)-Isbitaalka ugu weyn magaalada Mekelle ee xarunta ismaamulka Tigray ee dalka itoobiya ayaa waxaa gabaabsi ka ah daawooyinka iyada isbitaalka…

GudahaWararka
November 30, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023