Muqdisho, (SONNA): Shir-weynaha u Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda Muqdisho, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo daraasado ku saabsan xal u helidda mushkiladaha dalka ku soo laalaabtay.
Shirkan oo si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Hayโadda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, ayaa waxa uu muhiimad gaar ah siiyay sidii looga hortagi lahaa saameynta ay musiibooyinku ku leeyihiin bulshada iyo deegaanka.
Guddoomiye ku xigeenka SoDMA, Dr. Axmed Aadan, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada shirkan, ayaa ka qeyb-galayaasha maalinta labaad ku soo dhaweeyay shirka, isaga oo tilmaamay in wada-shaqeynta cilmi-baarista iyo siyaasadda ay muhiim u tahay xal u helidda dhibaatooyinka soo noqnoqda ee dalka ka jira.
Dhinaca kale, Nasiima Abuukar, khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha gargaarka baniโaadannimo iyo ka-hortagga khilaafaadka, ayaa shirkan ku soo bandhigtay daraasad la xiriirta barakaca ay sababeen musiibooyinka, iyo sida loo hirgelin karo istaraatiijiyado lagu maareeyo khataraha iyo tacaddiyada ka dhasha musiibooyinka.
Daraasadda Nasiima ayaa sidoo kale iftiimisay baahida loo qabo qorshayaal waara oo lagu xalliyo dhibaatada barakacayaasha iyo dadka ay ka dhaxleen tacaddiyada.
Sidoo kale, Maryama Diini Maxamed oo ah cilmi-baare ku xeel-dheer howlaha la xariira xuquuqul insaanka iyo horumarinta bulshada, qeybna ka ah maamulka Jaamacadda Muqdisho, ayaa Shir-weynaha ka jeedisay daraasad cilmiyeed ku saabsan barakaca iyo culeysyada dib-u-dejinta ay musiibooyinku ku keeneen Soomaaliya, dhibaatooyinka jira iyo xalka looga gudbi karo.