Muqdisho,(SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay Dhamme Maxamed Muuse Maxamed, oo noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 40 sano ka dib ka qalinjabiyay Akaadeemiyada Ciidammada Boqortooyada Ingiriiska ee Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst).
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King, U-qeybsanaha Ciidanka ee Safaaradda UK, Captain James Edwards, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS, S/Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), iyo saraakiil ka socday CXD, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Safaaradda Ingiriiska.
Wasiir Fiqi ayaa u hambalyeeyay Dhamme Maxamed Muuse, isagoo ku bogaadiyay dadaalkiisa iyo sida ay uga go’an tahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska iyo taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca.