Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gobollada maka muuqdaa raadadka El-niino
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gobollada maka muuqdaa raadadka El-niino
GudahaWararka

Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gobollada maka muuqdaa raadadka El-niino

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 7, 2023
6 Min Read
Share

Roobabkii ugu dambeeyay Gobalada dalka Soomaaliya ka da’ay, maka muuqdaa Raadadka El-niino, maxaa qasaara ah oo ka dhashay ilaa iyo hada.

Waa maxey El-niino?

Khubaro  ku xeeldheer arrimaha cimillada iyo saadasha Hawada waxey ku qeexan El Niño inay tahay dhacdo la xiriirta diirimaadka biyaha bariga Baasifigga meertada ah, oo dhacda saddexdii ama sideedii sano mar la arag ah oo socoto 8-deed ilaa iyo qiyaastii 10-bilood.

Waa wajiga diiran ee qaabka cimilada dhulbaraha ee loo yaqaan ‘El Niño-Southern Oscillation’, ENSO oo loo soo gaabiyay. Waa dhacda gunteeeda sababa waxyeello aan lasoo koobi karin oo culus oo ka tibaaxaysa aagagga ku-meel-gaarka ah iyo bartamaha, inta badan roobabka culus ee da’aya awgood oo mahiigan ah.

Weli ma cadda sida ay ifafaalahan u soo ifbaxayaan, balse  Xeeldheere saadaasha hawada Jacob Bjerknes (1897-1975) wuxuu isku xiray heerkulka sare ee dusha sare ee badda iyo dabeylo daciif ah oo ka imanaya bariga iyo roobab xoog leh oo la socda “ -xigasho meteorologiaenred.com”

Maxaa lagu Ogaadaa El-niino?

Waa maxay cawaaqibyada iyo waxyeellada ay geysan karto? Aaad ayey muhiim u tahay in la helo habraacyo lagu ogaan karo waqtiga. Sidaa darteed, tallaabooyin ku habboon ee la qaadi karo si looga fogaado tirada ugu badan ee suurtogalka ah ee dhimashada.

Waayo, dayax gacmeedyada, buul biyoodka sabeynaya ayaa la adeegsadaa oo badda ayaa lagu lafa guraa si loo ogaado sida ay  xaaladaha dusha sare ee badaha aagga dhul-baraha ay soo bandhiga, waxaana raaca dabaysha ayaa la baaraa maxaa yeelay, sidaan horay u soo sheegnay, isbeddelka dabayshu wuxuu noqon karaa tilmaan in dhacdada El Niño ay dhici doonto.

Oktoobar-Noofambar-December (OND) ee Bariga Afrika waxaa si weyn u saameeya laba ifafaale: El Niño Southern Oscillation (ENSO) iyo Badweynta Hindiya (IOD) ENSO waxaa lagu gartaa kulayl aan caadi ahayn ama qaboojinta Heerkulka Dusha Badda (SSTs) ee ka sarreeya bartamaha iyo bariga equatorial Badweynta Baasifigga.

Inta lagu jiro El Niño (wejiga diirran ee ENSO), SST-yada ka sarreeya bartamaha iyo bariga badweynta Baasifigga waxay noqdaan kuwo ka kulul sidii caadiga ahayd, icpac.net, waxeyna sheegaysaa  jaan-tuska in maalmaha soo socda ay da’ayaan roobab xooggan oo lagu qiyaasay 40% ilaa 60% isla markaana wata daadad ka badan kuwa dhacay, waxeyna roobabka ka di’i doona kenya, koofurta Itoobiya iyo Koofurta Soomaaliya.

Saacadahii ugu dambeeyay iyo maalmahan waxaa koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ka Da’ayey  Roobab mahiigan ah oo dabeylo wato, sidoo kale Saameyn wayn u geystay magaalooyin iyo tuulooyin dhaca Baay, Gado, Hiiran iyo magaalooyin kale.

Maxaa Qasaare ka dhacashay oo ay dowladda Shaacisay?

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay qasaaraha dhimasha ka dhashay roobabkii da’ay maalmahii ugu dambeeyay ka da’ayey gobalada Koofurta Soomaaliya ay gaarayso 10 ruux oo ay ku jiraan laba gabdhood oo 14-jir ah iyo wiil 18 jir ahaa, waxayna dhimashada ka dhacday deegannada dowlad gobaleedyada Jubbalanad, sida ay xaqiijiyeen dadka deegganka.

Iyada oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’addaha gargaarku waddaan deddaallo xooggan oo ay ku wajahayaan dhibaatooyinka ka dhashay roobabkan mahiigaanka ah ee ka socda goballada dalka Soomaaliya.

Raadad noocee ah ayay bulshada ku reebayaan roobabkan

Daadadka ka dhashay El-noiino waxay horseedeen in burbur xooggan ay u geystaan waddooyinka, in la geli waayo guryaha, maciishada aas-aasiga u ah bulshada oo cirka isku shareertay, adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo korontada oo istaagay.

Waxaa billowday barakaca dadka gaar ahaan kuwooda ugu taagta daran caruurta, waayeelka iyo haweenka, kuwaas oo aan awood badan u lahayn waxa socda.

Waxaa kaloo xusid mudan carrurutii in ay waayeen oo ay meesha ka baxday waxbarashadii, sidoo kalena Elnino ayaa dhibaato xooggan u geysatay kaabayaasha dhaqaalaha oo ahmiyad wayn u leh bulshooyinka.

Haweenka iyo carruurtu waxay markii horeba ka ahaayeen in ka badan 80% dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya.

Bulshooyinka deggan dhulalka ay maraan Webiyadda maxaa la gudboon?

Hay’addaha dowliga labada heer iyo mid dowlad hoose, bulshada kuwa hormuudka u ah iyo warbaahintuba waxaa la gudboon in ay door wanaagsan ka qaataan wacyi gelinta bulshada, sida in ay u hoggaasamaan farriimaha kala duwan ee ay soo saarayaan hay’adaha saadaasha hawada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Soomaaliya waa dal nugal oo la qabsaday xaaldaha fatahaadda iyo musiibooyinka dabiiciga ah, khubarada ku xeeldheer arrimaha Isbeddalka cimillada iyo saadaasha hawada waxay hoosta ka xariiqayaan in ay adag tahay in Soomaaliya ay maarayn sax ah la imaan  karto, iyagoo ku sababeeyay hay’adaha dowladda iyo kuwa Sama falka oo si cad aan iskaga waramin qaabka ay u wajahayaan xaaladda El-niino oo raadadkeedu muuqdaan.

Haddaba, waa kuma  cidda u maqan bulshada sidaas oo kale kuwa ku dad iyo hanti beelay roobabkan mahiigaanka ah?

Abdirashid Nur Ibrahim.

Climate Advocate, Communication/Media Expert HOA.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha wasiiradda XFS oo ansixiyey in laga laabto go’aan horay Ururka ONLY loogu aqoonsaday argagixiso

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray…

GudahaWararka
January 23, 2022

Wasaaradda amniga Galmudug oo ka digtay in si sharci darro ah loo cabirto dhulka Hobyo

Hobyo (SONNA)-Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga digay shacabka ku nool magaalada Hobyo ee gobolka…

Wararka
September 26, 2020

Wasaaradda Awqaafta oo soo saartay liiska shirkadaha ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS u qaabbilsan tartansiinta shirkadaha adeegga Xajka ayaa soo saaray liiska kama dambeysta ah…

GudahaWararka
November 22, 2023

Shirka wadatashiga wejiga labaad ee tirakoobka shaqaalaha Dowladda oo Maanta lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Sii hayaha xilka Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa Maanta guddoomiyay shirka wadatashiga…

WararkaWargayska
August 16, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023