Rasaas culus oo laga maqlay meel u dhaw  xarunta madaxtooyada Niger

La wadaag cid kale

Niger.(SONNA):-Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in rasaas culus laga maqlay meel u dhaw madaxtooyada Niger, subaxnimadii maanta.

Wararku waxey intaas ku darayaan in rasaastu socotay in ku dhaw 30 daqiiqo.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa laba maalin ka hor dhaarinta madaxweynaha cusub ee dalkaas Maxamed Bazoum.

Mucaaradka ayaa diiday in looga guuleystay doorahadii ka dhacday dalkaas, inkasta oo markii danbe maxkamadda dastuuriga ay xaqiijisay guusha Maxamed Bazoum.

La wadaag cid kale