Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas
    July 1, 2025
    Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya 
    July 1, 2025
    Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay
    July 1, 2025
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo dalka Spain kaga qayb galay shirka 4-aad ee maalgelinta horumarinta
    July 1, 2025
    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA
    July 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 23, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaya tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble markuu arkay qodobka 21aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, faqradiisa 1aad ee dhigaya qofkasta oo si sharci ah u degan Jamhuuriyadda waxa uu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex socon karo meelkasta oo dalka ka mid ah kana bixi karo”. Ayuu yiri Afhayeenka Xakuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu oo Warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa hadlakiisa ku daray “Iyadoo la tix raacayo amarkii uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 21 July 2021, ee sida cad u qeexaya in qof muwaadin ah aan laga hor joogsan Karin in uu u safro ama ka soo dego deegaan ama gobolka ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lagana jawaabayo falkii maanta muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday si sharci darro ah inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, taasi oo xad gudub ku ah amarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo xaquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniintaas”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali, iyadoo muwaadiniitnta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwii maanta safarka laga xayiray inay xor u yihiin socdaalkooda, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha markale ku celiyay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo ku xad gudubta dastuurka dalka, kuna dhiirata carqaladeynta geeddi socodka doorashooyinka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas

Aljeris (SONNA): Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan( Yusuf Jeego)…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo ku howlan qorshe lagu dhisayo garoon diyaaradeed oo cusub

Maareeyaha Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan qorshe Magaalada Muqdisho loogu dhisayo…

Gudaha
June 14, 2024

Guddoomiye Madaale: ayaa soo xiray tartanka Quraan akhriska Gobolka Banaadir

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo gaba-gabeenayay…

GudahaWararka
March 31, 2024

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo ka hadlay qodobbo muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane…

Gudaha
June 21, 2024

UNICEF oo sheegtay in isbaddalka cimilada uu saameeyay carruurta Soomaaliya

Dhallinyarada ku nool Soomaaliya ayaa ka mid ah kuwa ugu halista badan saamaynta isbeddelka cimilada oo halis ku ah caafimaadka,…

Gudaha
August 20, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023