Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u howlgelinta Guddiga Gurmadka abaaraha, Amniga guud ee dalka iyo Caabuqa COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay sida ugu haboon ay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan goobaha laga soo sheegayo abaaraha, si loo caawiyo bulshada Soomaaliyeed ee ay abaartu ku dhufatay.

La wadaag cid kale