Muqdisho,(SONNA):- Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Americo).
Ra’isul wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Maamulka iyo Shaqaalaha Dekadda Muqdisho oo horumar balaaran ka Sameeyay howlaha kala duwan ee ka socda Dekadda, isaga oo si gaar ah ugu hambalyeeyay in ay kaalinta Kowaad ka galeen Dekadda ugu wanaagsan ee Bariga Africa, sidoo kale ay kaalinta 4-aad ka galeen Dekadda ugu horumarsan qaarada Africa.