Muqdisho.SONNA…Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” ayaa hambalyo u diray dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta u dabbaaldegaya munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
Dhammaan mas’uuliyiintaasi waxa ay Umadda Soomaaliyeed u rajeeyeen in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.
