Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Degmada Dharkeynley ugu qeyb galay Kulan lagu tageerayay xasilinta Caasimadda iyo Is-Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen, Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Mudane Maxamuud Xaaji Cali Fiidow, Guddoomiyayaal Degmo, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa sidoo kale lagu dhiira-geliyay Saraakiisha Laamaha Amniga doorkooda ku aadan sugida Amniga.
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka goโan tahay garab istaaga Laamaha Amniga iyo sidii bulshada dib loogu celin lahaa xuquuqdooda ku aadan in ay soo doortaan hogaankooda, waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay gaaraan goobaha ay ka socoto is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha.